Wednesday, September 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo kulan la qaatay mas’uuliyiinta Hay’adda UNHCR 

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
2 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Arrimaha Gudaha oo kulan la qaatay mas’uuliyiinta Hay’adda UNHCR 
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta waxaa booqasho sharafeed xafiiskiisa ugu yimid mas’uuliyiinta UNHCR oo uu horkacayo Mr. Charles Leonard Mballa oo ah Wakiilka Hey’adda Qaxootiga Adduunka ee Soomaaliya.

Kulanka oo sidoo kale ay goobjoog ka ahaayeen Guddoomiyaha Hey’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka marwo Safiyo Xasan Maxamed iyo mudane Cabdiqani Maxamed Weheliye oo ah Agaasimaha Agaasinka Guud ee Adeegyada Dad-dhigidda iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga ah,ayaa waxaa looga hadlay xaaladda wax u qabadka qaxootiga, kuwa soo guryanoqda, Barakacayaasha, sharciyada la xiriira iyo sidii loogu heli lahaa xalwaara.

Related posts

Madaxweynaha JFS oo kulan doceed la qaatay dhiggiisa Dalka Serbia

Madaxweynaha JFS oo kulan doceed la qaatay dhiggiisa Dalka Serbia

September 1, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ku soo xiray Tababarka Wariyayaasha Nabadda

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐫𝐟𝐚𝐚𝐟𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐮 𝐝𝐡𝐚𝐰𝐚𝐚𝐪𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐭𝐢𝐫𝐚𝐚𝐭𝐢𝐢𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐗𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐚𝐚𝐡𝐢𝐧𝐭𝐚 𝟐𝟎𝟐𝟔

September 1, 2026

Madaxa xafiiska UNHCR ee Soomaaliya Mr. Charles, ayaa Wasiir Fiqi uga warbixiyay qorsheyaashooda iyo howlaha ay fuliyaan mudadda soo socota, gaar ahaan wax kaqabashada xaaladda qaxootiga, kuwa soo gurya noqda iyo Barakacayaasha isaga oo carabka ku dhuftay sida ay uga go’antahay in si dhow ula shaqeeyaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya iyo Hey’addeeda NCRI.

Ugu dambeyntii, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa ka hadlay sida Wasaaraddiisu ay ahmiyadda gaar ah u siiso u ololeynta xaaladda Qaxootiga iyo sida ay ugu guulaysatay in loo helo sharci dhaqangal ah, waxaa kale uu hoosta ka xariiqay aragtida Wasaaradda ee wax loogu qabanayo qaxootiga Soomaaliyeed ee dalkooda kusoo noqonaya iyo Barakacayaasha, isaga oo kusoo gobagabeeyay in dadaal walba ku bixinayaan sidii xalwaara loogu heli lahaa Arrimaha Qaootiga, Kuwa soo noqonaya iyo Barakacayaasha.




Previous Post

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u dirtay deegaanka Janaale 

Next Post

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Next Post
Warbixinta Toddobaadlaha ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya 

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Madaxweynaha JFS oo kulan doceed la qaatay dhiggiisa Dalka Serbia

Madaxweynaha JFS oo kulan doceed la qaatay dhiggiisa Dalka Serbia

September 1, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan doceed barbar socday Shir-madaxeedka dalalka dhex-dhexaadka ah ee magaalada Belgrade,...

Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ku soo xiray Tababarka Wariyayaasha Nabadda

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐫𝐟𝐚𝐚𝐟𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐮 𝐝𝐡𝐚𝐰𝐚𝐚𝐪𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐭𝐢𝐫𝐚𝐚𝐭𝐢𝐢𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐗𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐚𝐚𝐡𝐢𝐧𝐭𝐚 𝟐𝟎𝟐𝟔

September 1, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfitaax Qaasim Maxamuud, ayaa ku dhawaaqay qabsoomidda Shirweynaha Madasha Qaran ee...

Ra’iisul Wasaare Xamsa & wafdiga la socday oo kulamo la qaatay hay’ado iyo shirkado dowladeed oo Qatar leedahay

Ra’iisul Wasaare Xamsa & wafdiga la socday oo kulamo la qaatay hay’ado iyo shirkado dowladeed oo Qatar leedahay

September 1, 2026
0

Intii uu ku guda jiray booqashadiisa rasmiga ah ee dalka Qatar, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre,...

MADAXWEYNAHA JFS OO KHUDBAD KA JEEDIYAY SHIRKA DALALKA DHEX-DHEXAADKA AH

MADAXWEYNAHA JFS OO KHUDBAD KA JEEDIYAY SHIRKA DALALKA DHEX-DHEXAADKA AH

September 1, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay Shirka Dalalka dhex-dhexaadka ah oo maanta ka furmay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In