Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelada iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed uu ku geeriyooday Allah u naxariistee Marxuum Malaaq Cali Cabdiraxmaan Cali Shiin.
Guddoomiyaha ayaa Malaaqa ku tilmaamay inuu ahaa oday dhaqameed bulshada ka soo gudbiyay marxaladihii adkaa ee dalka soo maray, waxaana uu xusay inuu door weyn ka soo qaatay dib u dhiska dowladnimada dalka, ka shaqeynta dib u heshiisinta iyo hirgelinta geedi socodka nabada. Waxaana uu Eebbe weyne uga baryay inuu naxriistiisa Janno kawaraabiyo, ehelka iyo qoyskana uu ka siiyo samir iyo iimaan.