Saturday, December 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xukunka Askari 19 sano ka tirsanaa Ciidanka laguna helay falal Argagaxisanimo

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Xukunka Askari 19 sano ka tirsanaa Ciidanka laguna helay falal Argagaxisanimo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kormeere Koowaad dowladda hoose Daahir Cali Cabdi Amiin (Garboole) oo ka tirsan Ciidanka minishiibiyada ee degmadda Afgooye, ayaa loo soo xiray kamid ahaanshiyaha Khawaarijta, gaar ahaan qeybta istidlaaca (Jaajuusnimo) isaggoo xogaha saraakiisha, shaqaallaha iyo maamulka degmadaasi u gudbin jiray argagixisada.

Xilal kala duwan ayuu kasoo qabtay maamulka degmadda Afgooye, ciidannimadana waxa uu qortay sanadkii 2005, isaggoo khawaarijta ku biiray 2017, waxaana uu la shaqeyn jiray madaxii amniyaadka gobolka Shabeellaha hoose oo magaciisa afgarashada uu yahay Abtiga, kaasi oo markii hore ku tashkiiliyey kamid ahaanshiyaha Maleeshiyada, Is-faham kadibna waxaa lagu soo xiray labo dhagarqabe oo amniyaadka kooxda u jooga Afgooye ka mid ah.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Doorashooyinka

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Doorashooyinka

December 13, 2025
Maareeyaha Guud Ee Dekadda Muqdisho Oo Kulan Muhiim Ah Dubai Kula Qaatay Madaxa Fulinta Shirkadda Abu Dabai Ports Group

Maareeyaha Guud Ee Dekadda Muqdisho Oo Kulan Muhiim Ah Dubai Kula Qaatay Madaxa Fulinta Shirkadda Abu Dabai Ports Group

December 13, 2025

Waxa uu si joogto ah khawaarijta ugu gudbin jiray xogaha iyo dhaqdhaqaaqyada maamulka iyo saraakiisha amniga degmadda Afgooye, waxaana uu ka qeyb ka ahaa shirqool lagu dilay guddoomiye ku xiggeenkii hore ee amniga degmadaasi Xuseen Jibriil August 2022, dilkaasna waxaa kala shaqeeyey nin lagu magacaabo Yaasir Jiis oo hadda ah Horjoogaha guud ee ee Maleeshiyada ku dhuumaalaysata gobolka Shabeellaha hoose.

Muddadii uu shaqeynayey waxa uu khawaarijta la wadaagay xogaha shaqo ee shaqsiyaad ay kamid yihiin, Taliyihii hore ee booliska Afgooye, Taliye ku-xiggeenka saldhiga degmadda iyo guddoomiye waaxeedka 21-Octobar, kuwaasi oo xogo dhameystiran uu ka bixiyey.

Sidoo kale Taliyihii hore ee ciidanka xoogga dalka, Gen. Odowaa Yuusuf Raage mar uu kormeer shaqo ku tagey xerooyinka Ciidanka Xoogga ay ku leeyihiin Afgooye, ayuu xogo ku saabsan kormeerkiisa la wadaagay Khawaarijta.

Ciidanka NISA oo ku raadjoogay Daahir Garboole, ayaa shan iyo tobankii bishii October 2023 qabtay gudaha degmadda Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada ayaa codsaday qaadista kiiskan, waxaana laga oggolaaday Todobadii bishaan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku xukuntay Ex Kormeere Koowaad dowladda hoose Daahir Cali Cabdi Amiin (Garboole) 10 Sano oo xabsi ciidan ah.

Sida uu warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan garsoorka Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamadda Qalabka Sida.

Previous Post

Ra”iisul Wasaaraha XFS oo shir guddoomiyey kulan looga hadlayey sidii kor loogu qaadi lahaa Wax-soo-saarka Dalka

Next Post

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kulan la qaatay wakiilka QM ee Soomaaliya

Next Post
Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kulan la qaatay wakiilka QM ee Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kulan la qaatay wakiilka QM ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Doorashooyinka

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Doorashooyinka

December 13, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta qaatay Kaarka Cod-bixinta ee Guddiga Madaxa Bannaan...

Maareeyaha Guud Ee Dekadda Muqdisho Oo Kulan Muhiim Ah Dubai Kula Qaatay Madaxa Fulinta Shirkadda Abu Dabai Ports Group

Maareeyaha Guud Ee Dekadda Muqdisho Oo Kulan Muhiim Ah Dubai Kula Qaatay Madaxa Fulinta Shirkadda Abu Dabai Ports Group

December 13, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) iyo wafdi uu hoggaaminaayay ayaa magaalada Abu Dubai kulama...

Ciidamada Daraawiishta Jubbaland Oo Hawlgal Ka Dhan Ah Khawaarijta Ka Sameeyay Jubbadda Hoose

Ciidamada Daraawiishta Jubbaland Oo Hawlgal Ka Dhan Ah Khawaarijta Ka Sameeyay Jubbadda Hoose

December 13, 2025
0

RADIO MUQDISHO(JUBBADA HOOSE): Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ayaa howlgal amni ka fuliyay magaalada Qooqaani ee gobolka Jubbada Hoose, kaas oo lagu...

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka oo kulan la qaatay qaar kamid ah bulshada caasimadda

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka oo kulan la qaatay qaar kamid ah bulshada caasimadda

December 13, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa xalay la kulmay qaad kamid ah bulshada magaalada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In