Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka BJFS Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle Jaabiri ayaa ka qeyb galay kulanka guud ee Xoghayayaasha Baarlaamaanada Adduunka, kaas oo ka dhacay magaalada Geneva ee dalka Switzerland.
Mudane Jaabiri oo hadal ka jeediyay kulanka Xoghayayaasha Baarlamaanada Adduunka ayaa uga warbixiyay horumarka uu sameeyay Baarlamaanka 11-aad ee JFS, gaar ahaan shuruucda horutebinta u leh dhismaha dowladnimada dalka iyo dib u eegista dastuurka oo ahmiyad gaar ah u leh Qaranimada.
Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka waxa uu qeyb ka yahay wafdi uu hogaaminaayo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow oo ka qeyb galaya meertada 148-aad ee Midowga Baarlamaannada Adduunka.