Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dowladda FS ayaa ka qeybgalay munaasabadda xarig jarka dhismaha xarun cusub oo ay ku gowlgali doonaan maamulka deegaanka Gubadleey.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Ganacsiga XFS Cismaan Daallo,xildhibaanAfcadeey iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka hadlay xafladdaasi loo sameeyay xaarig jarka xarunta deegaanka Gubadleey ayaa ku ammaanay shacabka halkaasi dadaalka ay u galeen dhismaha xaruntaasi oo noqon doonta goob laga fuliyo adeegga dadweynaha.
Mas’uuliyiintasi waxa ay qireen in ay dadaal ku bixin doonaan sidii deegaanka Gubadleey loogu aqoonsan lahaa Degmo,kadib markii odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka kale ay soo jeediyeen tallaanadaasi wax ku oolka ah.
Guddoomiyaha deegaanka Gubadleey C/Laahi Nuur Maxamuud iyo odayaasha deegaankaasi ayaa xaruntaasi cusub ku sameeyay xaflad heer sare ah oo ay la dhaceen madaxdii ka socotay golayaasha dowladda iyo maamulka Gobolka Banaadir.