Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug, iyadoo halkaas si wayn loogu soo dhaweeyey.
Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dadka reer Xarardheere, Ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka ku dhiirigeliyey jihaadka ay Khawaarijta uga xoreynayaan dalka.
Madaxweynaha dowalad gobolleedka Galmudug, Wasiirka Gaashaandhigga, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo mas’uuliyiin kale ayaa qeyb ka ah socdaalka Madaxweynaha Jamhuuriyadda uu ku gaaray magaalada Xarardheere.
Xarardheere iyo Ceeldheer ayaa ka mid ah Degmooyinka uu hadda ka socodo Qorshaha xoraynta Dalka gaar ahaan Deegaanada Galmudug.