Monday, February 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Safiirka Ethiopia ee Soomaaliya oo lagu amray in dalka uu kaga baxo muddo 72 saac gudahood

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Safiirka Ethiopia ee Soomaaliya oo lagu amray in dalka uu kaga baxo muddo 72 saac gudahood
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa soo saartay tallaabooyin diblomaasiyadeed oo ka dhan ah dowladda Itoobiya oo faragalin qaaran ku haysa dowladda Soomaaliya. waxay ku dhawaaqday billowga dhowr tallaabo oo diblomaasiyadeed.

Go’aankan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda ayaa daba socda go’aankii Golaha Wasiirada ee looga jawaabayay tallaabooyinka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Federaalka Itoobiya, kuwaas oo ku xad-gudbaya madax-bannaanida iyo arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

Related posts

Muxuu Salka ku hayay Weerarkii Shabaabku ku qaadeen Jabad Godane?

Muxuu Salka ku hayay Weerarkii Shabaabku ku qaadeen Jabad Godane?

February 9, 2026
Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan degmada Xuddur

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan degmada Xuddur

February 9, 2026

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay tallaabooyinkaan:-

1- Safiirka Dowladda Federaalka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Mudane Muqtaar Maxamed Waare ayaa lagu wargeliyay in 72 saac gudahood uu uga baxo Soomaaliya.

2- In muddo toddoba maalmood gudahood ah lagu xidho Qunsuliyadaha Itoobiya ee Hargeysa iyo Garoowe.

3- In Safiirka Dowladda Federaalka Soomaaliya u jooga Addis Ababa loogu yeero Muqdisho, si wada tashi buuxa loogu sameeyo.

Tallaabooyinkan ayey Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ku sheegtay in loo qaaday si loo ilaaliyo madaxbannaanida, midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Previous Post

Qaraarka golaha Wasiirrada ee ku aaddan habdhaqanka gurracan iyo faragelinta qaawan ee dowladda Ethiopia

Next Post

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan mira dhal ah la qaatay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Next Post
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan mira dhal ah la qaatay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan mira dhal ah la qaatay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya "SAWIRRO"

Muxuu Salka ku hayay Weerarkii Shabaabku ku qaadeen Jabad Godane?

Muxuu Salka ku hayay Weerarkii Shabaabku ku qaadeen Jabad Godane?

February 9, 2026
0

Yuusuf Kaba Kutukade oo ah Ninka kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab ugu magacaaban Gobalka Sh/ Dhaxe oo ka hadalayay Duqentii...

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan degmada Xuddur

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan degmada Xuddur

February 9, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Guutada 9-aad ee Qeybta 60-aad ee Gobolka Bakool, ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyeen deegaano...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sucuudiga oo kala saxiixday heshiis iskaashi amni

Dowladaha Soomaaliya iyo Sucuudiga oo kala saxiixday heshiis iskaashi amni

February 9, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa heshiis iskaashi ciidan la saxiixday dhiggiisa Boqortooyada Sucuudiga, Sumuwal Amiir...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: ‘W𝐚𝐱𝐚𝐚𝐧 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐭𝐚𝐜𝐥𝐢𝐢𝐧 𝐬𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐬𝐨𝐨 𝐬𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚 𝐚𝐪𝐨𝐨𝐧 𝐢𝐲𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐟𝐚𝐝 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐟𝐮𝐫𝐝𝐚𝐚𝐦𝐢𝐲𝐨 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐣𝐢𝐫𝐚”

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: ‘W𝐚𝐱𝐚𝐚𝐧 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐭𝐚𝐜𝐥𝐢𝐢𝐧 𝐬𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐬𝐨𝐨 𝐬𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚 𝐚𝐪𝐨𝐨𝐧 𝐢𝐲𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐟𝐚𝐝 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐟𝐮𝐫𝐝𝐚𝐚𝐦𝐢𝐲𝐨 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐣𝐢𝐫𝐚”

February 8, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa daahfuray Shirweynaha 3aad ee Waxbarashada Qaranka, oo sannadkan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In