Friday, October 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan mira dhal ah la qaatay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan mira dhal ah la qaatay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, mudane  Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa Safiirka Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta Danjire Axmed Jumca Al-rumeysi la qaatay kulan diiradda lagu saaray u diyaar garowga roobka Guga (Gu’) u toog-heynta halista beni’aadannimo ee ka dhalan karta fatahaado ka dhasha roobabka, xoojinta iyo ku-raad-joogga dhaqan-galka codsiyo hay’addu hore u gudbisay.

Kulanka waxaa si weyn loogu gorfeeyay sida ay muhiim u tahay in la dadajiyo hirgalinta ballan-qaadyada Imaaradka ee ku aaddan dib u habeynta biyo xireenka Sabuun ee degmada Jowhar oo u baahan qashin-saar iyo dacaytir deg deg ah iyo bixinta taageerada qarashaadka ku baxaya daabulidda deeqaha dalkaas ka yimid ee SoDMA u qorsheysay gobollada Bay, Bakool iyo Gedo, si looga hor tago ama loo yareeyo halista la saadaalinayo.

Related posts

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026

Safiirka Imaaraadka oo Guddoomiyaha SoDMA ka guddoomay sahaado-sharaf iyo mahadcelin ku aaddan shaqadii hagar-la’aaneed ee Safiirku SoDMA kala qabtay howlihii abaaraha, fatahaadaha iyo gaarista goobihii laga xoreeyey khawaarijta ayaa xusay in codsiyada hay’adda ee ku saabsanaa gargaar hor leh iyo in deeqaha Imaaraadku ka kala dajiyaan dekedaha Muqdisho, Kismaayo Berbera iyo Boosaaso la meel-mariyay, degdegna looga jawaabi doono.

Previous Post

Safiirka Ethiopia ee Soomaaliya oo lagu amray in dalka uu kaga baxo muddo 72 saac gudahood

Next Post

Tartamayaasha Degmada Xamarweyne oo caawa u gudubtay kulanka kama dambeysta ah ee tartanka (Final) “SAWIRRO”

Next Post
Tartamayaasha Degmada Xamarweyne oo caawa u gudubtay kulanka kama dambeysta ah ee tartanka (Final) “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Xamarweyne oo caawa u gudubtay kulanka kama dambeysta ah ee tartanka (Final) “SAWIRRO”

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In