Monday, February 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo si rasmi ah xilka ula wareegay “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo si rasmi ah xilka ula wareegay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ah XFS mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta xilka la wareegay, iyada oo uu ku wareejiyey sii-hayihii ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda mudane Cali Cumar (Cali Balcad).

Mudane Axmed Macalin Fiqi, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya oo ka hadlay munaasabadda xilwareejinta ee ka dhacday xarunta Wasaaradda ayaa ugu horreyn u mahadceliyey Madaxweynaha JFS mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha XFS mudane Xamsa Cabdi Barre oo u gartay in xilkan cusub ugu adeego qaranka, waxaa uu ballanqaaday xoojinta kaalinta diblomaasiyadda iyo muuqa siyaasadda Arrimaha Dibadda Soomaaliya isaga oo intaa raaciyay inuu ka shaqeyn doono difaaca danaha dowladda, sarreynta qadiyadaha iyo masaalixda kala duwan ee qaranka Soomaaliyeed ee fagaareyaasha caalamiga ah.

Related posts

Wasiirka Gaashaandhigga oo daahfuray Kulanka Furitaanka Golaha Difaaca Qaranka

Wasiirka Gaashaandhigga oo daahfuray Kulanka Furitaanka Golaha Difaaca Qaranka

February 2, 2026
Wasiirka Tamarta oo kormeer shaqo ku tagay xarumo koronto bilaash ah ay wasaaraddu ka hirgalisay Dhuusamareeb

Wasiirka Tamarta oo kormeer shaqo ku tagay xarumo koronto bilaash ah ay wasaaraddu ka hirgalisay Dhuusamareeb

February 2, 2026

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya mudane Axmed Fiqi ayaa xilka la wareegaya xilli wax ka qabasho, dardargelin iyo horumarin u baahan yihiin danno badan oo Soomaaliya kala dhaxeeya dalalka dariska, gobolka iyo caalamkaba.

Xilwareejinta kadib, Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya mudane Axmed Macallin Fiqi waxaa kulamo kala duwan uu la qaatay hoggaanka, waaxyada iyo howlwadeennada Wasaaradda, isaga oo ka dhageystay shaqada ka socota iyo ajendeyaasha sanadka.

Danjire Axmed Macallin Fiqi oo ka tirsanaa Wasaaraddan Arrimaha Dibadda, heystana khibrad in ka badan 20 sano uu ka shaqeynayay hoggaanka sare ee heerarka kala duwan ee dowladnimada, soona noqday Safiirka Soomaaliya ee Suudaan, Taliyaha NISA, Wasiirka Amniga Galmudug, shaqadan ka horna ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa lagu wadaa in uu dhiig cusub ku shubo siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya isla markaana uu soo celiyo kaalinteeda bulshoweynta caalamka.

Previous Post

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga iyo Saraakiishooda

Next Post

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay howlaha hortebinta leh

Next Post
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay howlaha hortebinta leh

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay howlaha hortebinta leh

Wasiirka Gaashaandhigga oo daahfuray Kulanka Furitaanka Golaha Difaaca Qaranka

Wasiirka Gaashaandhigga oo daahfuray Kulanka Furitaanka Golaha Difaaca Qaranka

February 2, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta daahfuray Kulanka Furitaanka Golaha Difaaca Qaranka, kaas oo ah...

Wasiirka Tamarta oo kormeer shaqo ku tagay xarumo koronto bilaash ah ay wasaaraddu ka hirgalisay Dhuusamareeb

Wasiirka Tamarta oo kormeer shaqo ku tagay xarumo koronto bilaash ah ay wasaaraddu ka hirgalisay Dhuusamareeb

February 2, 2026
0

Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Biyaha XFS, Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, ayaa kormeer shaqo ku tagay xarumo caafimaad iyo waxbarasho oo...

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogeyaal Khawaarij ah

February 1, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), ayaa howlgal qorshaysan oo ay shalay ka fuliyeen deegaanka Maxaa Saciid ee Gobolka...

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

February 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, oo ay weheliyaan Wasiiru-Dowlaha iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In