Saturday, April 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Waxbarashada oo shir Caalami ah uga qeybgalay Dalka Belgium

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Waxbarashada oo shir Caalami ah uga qeybgalay Dalka Belgium
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa magaalada Brussels ee dalka Belgium uga qaybgalay shirka caalamiga ah ee Global Gateway for Education.

Shirkan oo uu soo qabanqaabiyay Midowga Yurub, ayaa looga hadlay iskaashiga Waxbarashada ee heer caalami, ahmiyadda Waxbarashadu u leedahay kobcinta Iyo horumarinta aadanaha. Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaa dood-wadaag ka qeybgelay intii uu socday shirka isagoo kalmad dad badan soo jiidatayna madasha ka jeediyey. Waxa uu si kooban uga sheekeeyay dadaalka labadii sanno ee la soo dhaafay ay XFS ku bixisay horumarinta Waxbarashada, iyadoo miisaaniyadda dakhliga gudaha 9.5% loo qoondeeyay waxbarashada sannadkan 2024.

Related posts

Soomaaliya oo ka qaybgashay Shirka Madasha Caalamiga ah ee Gaadiidka iyo Saadka ee dalka Ruushka

Soomaaliya oo ka qaybgashay Shirka Madasha Caalamiga ah ee Gaadiidka iyo Saadka ee dalka Ruushka

April 4, 2026
Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee maamulka KGS oo kulamo la qaatay Waxgaradka iyo Odayaasha maamulkaasi

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee maamulka KGS oo kulamo la qaatay Waxgaradka iyo Odayaasha maamulkaasi

April 4, 2026

Wasiirku waxa uu sidoo kale dulmaray qorshaha dawladda ee la xiriira kobcinta tirada macallimiinta ka shaqeeya Waxbarashada guud (dowladda), waxa uuna sheegay in kadib markii wajigii koowaad ee xulashada, tababarridda iyo shaqaaleysiinta macallimiintu guul ku dhammaday, dowladda Soomaaliya ay u tabaabusheysaneyso qaadashada 3000 Macallin oo cusub ah toddobaadyada soo socdo. Tiradani waxa ay qayb ka tahay qorshaha Xukuumadda Dan Qaran oo lagu hiigsanayo in la gaarsiiyo tirada macallimiinta dugsiyada dadweynaha ka shaqeeya10,000, Sannadka 2025.

Intii uu shirku socday, wasiirka ayaa kulamo la yeeshay Madaxa Iskaashiga Caalamiga ah ee Midowga Yurub, Wasiirrada Horumarinta Belgium iyo Wasiirka Waxbarashada Finland, ku xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha horumarinta bulshada iyo saraakiil sare oo ka tirsan Midowga Yurub. Wafdiga Wasiirka waxaa ku wehliyay Safiirka Soomaaliya u fadhiyo Midowga Yurub iyo Agaasimaha Guud ee Waxbarashada.

Previous Post

Wasiir Fartaag “Bilaha fooda nagu soo haya Khawaarijta waa laga weyn doonaa Deegaanno badan”

Next Post

Maamulka Gobolka Banaadir iyo Sarakiisha Ciidanka oo ka shiray dardargalinta Sugidda Amniga Caasimadda

Next Post
Maamulka Gobolka Banaadir iyo Sarakiisha Ciidanka oo ka shiray dardargalinta Sugidda Amniga Caasimadda

Maamulka Gobolka Banaadir iyo Sarakiisha Ciidanka oo ka shiray dardargalinta Sugidda Amniga Caasimadda

Soomaaliya oo ka qaybgashay Shirka Madasha Caalamiga ah ee Gaadiidka iyo Saadka ee dalka Ruushka

Soomaaliya oo ka qaybgashay Shirka Madasha Caalamiga ah ee Gaadiidka iyo Saadka ee dalka Ruushka

April 4, 2026
0

RADIO MUQDISHO(St.Petersburg-Russia):-Soomaaliya ayaa sanadkan waxa ay ka qaybgashay Shirka Madasha Caalamiga ah ee Gaadiidka iyo Saadka ee dalka Ruushka. Maareeyaha...

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee maamulka KGS oo kulamo la qaatay Waxgaradka iyo Odayaasha maamulkaasi

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee maamulka KGS oo kulamo la qaatay Waxgaradka iyo Odayaasha maamulkaasi

April 4, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BAYDHABA):Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed, Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa kulan la qaatay qaar ka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulamo ka wada magaalada Baydhaba

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulamo ka wada magaalada Baydhaba

April 4, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BAYDHABA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaal Soomaaliye Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ,ayaa kulamo muhiim ah ka wada magaalada Baydhaba ee caasimadda kumeel...

Agaasime Mahad Salaad oo Mareykanka kala hadlay ciribtirka Khawaarijta.

Agaasime Mahad Salaad oo Mareykanka kala hadlay ciribtirka Khawaarijta.

April 3, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), Mudane Mahad Maxamed Salaad ayaa maalmihii la soo dhaafay kulamo muhiim...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In