Friday, October 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Waxbarashada oo shir Caalami ah uga qeybgalay Dalka Belgium

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Waxbarashada oo shir Caalami ah uga qeybgalay Dalka Belgium
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa magaalada Brussels ee dalka Belgium uga qaybgalay shirka caalamiga ah ee Global Gateway for Education.

Shirkan oo uu soo qabanqaabiyay Midowga Yurub, ayaa looga hadlay iskaashiga Waxbarashada ee heer caalami, ahmiyadda Waxbarashadu u leedahay kobcinta Iyo horumarinta aadanaha. Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaa dood-wadaag ka qeybgelay intii uu socday shirka isagoo kalmad dad badan soo jiidatayna madasha ka jeediyey. Waxa uu si kooban uga sheekeeyay dadaalka labadii sanno ee la soo dhaafay ay XFS ku bixisay horumarinta Waxbarashada, iyadoo miisaaniyadda dakhliga gudaha 9.5% loo qoondeeyay waxbarashada sannadkan 2024.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Wasiirku waxa uu sidoo kale dulmaray qorshaha dawladda ee la xiriira kobcinta tirada macallimiinta ka shaqeeya Waxbarashada guud (dowladda), waxa uuna sheegay in kadib markii wajigii koowaad ee xulashada, tababarridda iyo shaqaaleysiinta macallimiintu guul ku dhammaday, dowladda Soomaaliya ay u tabaabusheysaneyso qaadashada 3000 Macallin oo cusub ah toddobaadyada soo socdo. Tiradani waxa ay qayb ka tahay qorshaha Xukuumadda Dan Qaran oo lagu hiigsanayo in la gaarsiiyo tirada macallimiinta dugsiyada dadweynaha ka shaqeeya10,000, Sannadka 2025.

Intii uu shirku socday, wasiirka ayaa kulamo la yeeshay Madaxa Iskaashiga Caalamiga ah ee Midowga Yurub, Wasiirrada Horumarinta Belgium iyo Wasiirka Waxbarashada Finland, ku xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha horumarinta bulshada iyo saraakiil sare oo ka tirsan Midowga Yurub. Wafdiga Wasiirka waxaa ku wehliyay Safiirka Soomaaliya u fadhiyo Midowga Yurub iyo Agaasimaha Guud ee Waxbarashada.



Previous Post

Wasiir Fartaag “Bilaha fooda nagu soo haya Khawaarijta waa laga weyn doonaa Deegaanno badan”

Next Post

Maamulka Gobolka Banaadir iyo Sarakiisha Ciidanka oo ka shiray dardargalinta Sugidda Amniga Caasimadda

Next Post
Maamulka Gobolka Banaadir iyo Sarakiisha Ciidanka oo ka shiray dardargalinta Sugidda Amniga Caasimadda

Maamulka Gobolka Banaadir iyo Sarakiisha Ciidanka oo ka shiray dardargalinta Sugidda Amniga Caasimadda

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In