Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa maanta hoygiisa ku qaabbilay safiirka cusub ee Dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Mudane Pier Mario Dacco’ Coppi.
Safiirka ayaa guddoomiyaha uga mahadceliyay soo dhowaynta diirran, wuxuuna ballan qaaday in uu si dhow uga shaqeyn doono adkaynta xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga.