Sunday, November 16, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiye Aadan Madoobe oo la kulmay Xubno ka tirsan Baarlamaanka EAC

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Guddoomiye Aadan Madoobe oo la kulmay Xubno ka tirsan Baarlamaanka EAC
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa xarunta guddoonka iyo guddiyadda ee Villa Hargeysa kulan kula qaatay Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ammaanay dowladaha Bariga Afrika ee ku midaysan 8-da wadan kuwaas oo ururkan door weyn ku lahaa ansixinta iyo ku biiritaanka xubinnimada Soomaaliya. Inta uu kulanka socday waxay soo bandhigeen sida uu u shaqeeyo, waxaana ay ka jawaabeen dhammaan su’aalihii ay weydiiyeen Xildhibaannada Golaha Shacabka. Dhanka kale waxay sharraxaad ka bixiyeen sida loo doorto iyo masuuliyada Xildhibaannada Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha ee Bariga Afrika.

Related posts

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka dhan ah khawaarijta ka wada gobolka jubbada Hoose

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka dhan ah khawaarijta ka wada gobolka jubbada Hoose

November 16, 2025
Daraawiishta Galmudug oo weeraray goob ay ku dhuumaaleysanayeen Khawaatijta

Daraawiishta Galmudug oo weeraray goob ay ku dhuumaaleysanayeen Khawaatijta

November 16, 2025

Xubnaha oo uu hoggaaminaayay Mudane Namara Dennis, ayaa waxay adkeeyeen ahmiyada Soomaaliya ay u leedahay ka mid noqoshada Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha ee Bariga Afrika iyo fursadaha waa-weyn ee laga heli karo. Dhanka kale Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa qado sharaf u sameeyay Xildhibaanada, iyagana waxeey ka mahadceliyaen sida wanagsan ee Baarlamaanka Soomaaliya ay u soo dhoweeyeen.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la guddoonsiiyay heshiiskii lagu aasaasay Urur Gobolleedka Iskaashiga Dhaqaalaha ee Bariga Afrika iyo Xeerarka Habraaca Golaha Sharci Dejinta ee Suuqa Bariga Afrika, waxaana uu ka mahadceliyay doorka ay ka qaateen dhammaan dowladaha xubnaha ka ah ururkaan, iyada oo kulanka ay qeyb ka ahayd Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka BJFS Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar.












Previous Post

Wasiir Xoosh oo kulamo kala duwan la yeeshay Madaxweynayaasha DG Galmudug, KG iyo Hirshabeelle

Next Post

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Duqa Muqdisho oo ka wada hadlay dhismaha golayaasha dowladda Hoose

Next Post
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Duqa Muqdisho oo ka wada hadlay dhismaha golayaasha dowladda Hoose

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Duqa Muqdisho oo ka wada hadlay dhismaha golayaasha dowladda Hoose

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka dhan ah khawaarijta ka wada gobolka jubbada Hoose

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka dhan ah khawaarijta ka wada gobolka jubbada Hoose

November 16, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Qeybta 43-aad iyo Kumaandooska Danab ayaa howlgallo qorsheysan ka dhan ah Khawaarijta ka wada...

Daraawiishta Galmudug oo weeraray goob ay ku dhuumaaleysanayeen Khawaatijta

Daraawiishta Galmudug oo weeraray goob ay ku dhuumaaleysanayeen Khawaatijta

November 16, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Howlgal qorsheysan oo Ciidamada Daraawiishta Galmudug, gaar ahaan ururka Galayr ay caawa ka fuliyeen aagga deegaanka Ceelahelay ee gobolka...

Wasiirka Kalluumeysiga Iyo Dhaqaalaha Buluugga XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Wasiirka Kalluumeysiga Iyo Dhaqaalaha Buluugga XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Turkiga ee Soomaaliya

November 15, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Xassan Aadan, oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka...

Dowladda Soomaaliya oo kordhisay saacadaha shaqada ee dekadda Muqdisho

Dowladda Soomaaliya oo kordhisay saacadaha shaqada ee dekadda Muqdisho

November 15, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Dekaddaha iyo Gaadiidka Badda XFS, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa caawa si rasmi ah u daahfuray in...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In