Friday, August 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiye Aadan Madoobe oo la kulmay Xubno ka tirsan Baarlamaanka EAC

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Guddoomiye Aadan Madoobe oo la kulmay Xubno ka tirsan Baarlamaanka EAC
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa xarunta guddoonka iyo guddiyadda ee Villa Hargeysa kulan kula qaatay Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ammaanay dowladaha Bariga Afrika ee ku midaysan 8-da wadan kuwaas oo ururkan door weyn ku lahaa ansixinta iyo ku biiritaanka xubinnimada Soomaaliya. Inta uu kulanka socday waxay soo bandhigeen sida uu u shaqeeyo, waxaana ay ka jawaabeen dhammaan su’aalihii ay weydiiyeen Xildhibaannada Golaha Shacabka. Dhanka kale waxay sharraxaad ka bixiyeen sida loo doorto iyo masuuliyada Xildhibaannada Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha ee Bariga Afrika.

Related posts

Wasiirka Amniga Gudaha oo soo xiray tababarka Dufcadda 5-aad ee Ciidanka Darawiishta

Wasiirka Amniga Gudaha oo soo xiray tababarka Dufcadda 5-aad ee Ciidanka Darawiishta

August 13, 2026
Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray Degmada Dhuusamareeb

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray Degmada Dhuusamareeb

August 13, 2026

Xubnaha oo uu hoggaaminaayay Mudane Namara Dennis, ayaa waxay adkeeyeen ahmiyada Soomaaliya ay u leedahay ka mid noqoshada Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha ee Bariga Afrika iyo fursadaha waa-weyn ee laga heli karo. Dhanka kale Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa qado sharaf u sameeyay Xildhibaanada, iyagana waxeey ka mahadceliyaen sida wanagsan ee Baarlamaanka Soomaaliya ay u soo dhoweeyeen.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la guddoonsiiyay heshiiskii lagu aasaasay Urur Gobolleedka Iskaashiga Dhaqaalaha ee Bariga Afrika iyo Xeerarka Habraaca Golaha Sharci Dejinta ee Suuqa Bariga Afrika, waxaana uu ka mahadceliyay doorka ay ka qaateen dhammaan dowladaha xubnaha ka ah ururkaan, iyada oo kulanka ay qeyb ka ahayd Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka BJFS Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar.

Previous Post

Wasiir Xoosh oo kulamo kala duwan la yeeshay Madaxweynayaasha DG Galmudug, KG iyo Hirshabeelle

Next Post

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Duqa Muqdisho oo ka wada hadlay dhismaha golayaasha dowladda Hoose

Next Post
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Duqa Muqdisho oo ka wada hadlay dhismaha golayaasha dowladda Hoose

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Duqa Muqdisho oo ka wada hadlay dhismaha golayaasha dowladda Hoose

Wasiirka Amniga Gudaha oo soo xiray tababarka Dufcadda 5-aad ee Ciidanka Darawiishta

Wasiirka Amniga Gudaha oo soo xiray tababarka Dufcadda 5-aad ee Ciidanka Darawiishta

August 13, 2026
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa si rasmi ah u soo xiray tababarka...

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray Degmada Dhuusamareeb

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray Degmada Dhuusamareeb

August 13, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar iyo wafdi saraakiil ah oo uu hoggaaminayo ayaa lagu...

Guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Kenya

Guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Kenya

August 13, 2026
0

Wafti uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho, Dr. Ibraahim Maxamed Mursal, ayaa booqasho rasmi ah ku tegay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay Agaasimaha Horumarinta UK

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay Agaasimaha Horumarinta UK

August 13, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa kulan la yeeshay Agaasimaha Horumarinta Boqortooyada Midowday (UK),...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In