Sunday, September 14, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Deegaanka XFS oo soo saartay warbixin ku Aaddan Saadaasha Hawada 

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
April 24, 2024
in Wararka
0
Wasaaradda Deegaanka XFS oo soo saartay warbixin ku Aaddan Saadaasha Hawada 
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Deegaanka Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya, ayaa soo saartay warbixin ku aaddan saadaasha hawada iyo digniinno ku saabsan Isbeddelka Cimilada, iyadoo saadaalisay in 27-ka bishan uu roobku wada gaari doono inta badan gobollada dalka, kuwaas oo soo billowday 20-kii bishan April.

Warbixinta ayaa sheegtay in Webiga Shabeelle uu qatar ugu jiro in uu ku fataho deegaanada ku teedsan gaar ahaan degmada Jowhar oo ay ka harsan tahay kaliya 23 cm ee billowga fatahada Wabiga Shabeelle.

Related posts

Feeryahanad Ramla Cali oo sii diirran loogu soo dhaweeyay Muqdisho

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Shalambood si rasmi ah uga daahduray diiwaangelinta dadweynaha

September 14, 2025
Feeryahanad Ramla Cali oo sii diirran loogu soo dhaweeyay Muqdisho

Feeryahanad Ramla Cali oo sii diirran loogu soo dhaweeyay Muqdisho

September 14, 2025

Waxa kale oo suurta-gal ah ayaa la lagu yiri warbixintan in ay ka dhashaan roobka daadad degmooyinka dhaca goballada Bay, Sanaag, Waqooyi Galbeed, Togdheer, Banaadir,Hiiraan iyo Gedo, kuwaas oo hakad gelin kara dhammaan isku socodka gadiidka iyo kaabayaasha nolasha guud ahaan iyadoo xaddiga roobkuna uu u dhaxeyn doono 50% ilaa 60%.

Xaddiga kuleylka ayaa isna sii ahaan doona mid u dhaxeeya 32°-39° guud ahaan Soomaaliya.

Warbixinta ayaa lagu xusay in waaxda Saadaasha Hawada ee Wasaarada Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Xukuumaadda Federaalka ay ku boorineyso dhammaan bulshada Soomaliyeed in ay muujiyaan taxaddar iyo feejignaan dheeri ah.

Previous Post

Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeyb-galay shir looga hadlayay Maareeynta Musiibooyinka oo lagu qabtay Adis-Ababa

Next Post

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo sheegay in hadda kadib aan lagu soo xadbi doonin Baddeenna

Next Post
Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo sheegay in hadda kadib aan lagu soo xadbi doonin Baddeenna

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo sheegay in hadda kadib aan lagu soo xadbi doonin Baddeenna

Feeryahanad Ramla Cali oo sii diirran loogu soo dhaweeyay Muqdisho

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Shalambood si rasmi ah uga daahduray diiwaangelinta dadweynaha

September 14, 2025
0

RADIO MUQDISHO(MARKA):-Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta deegaanka Shalambood oo hoos yimaada, degmada Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose waxa...

Feeryahanad Ramla Cali oo sii diirran loogu soo dhaweeyay Muqdisho

Feeryahanad Ramla Cali oo sii diirran loogu soo dhaweeyay Muqdisho

September 14, 2025
0

RADIO MUQDISHO:- Ramla Saciid Axmed Cali, oo ah gabadhii ugu horreysay ee Soomaaliyeed ee ku guuleysata bilad dahab ah oo...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay wakiilka UNDP ee Soomaaliya

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay wakiilka UNDP ee Soomaaliya

September 14, 2025
0

RADIO MUQDISHO:- Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige, ayaa kulan la qaatay Wakiilka Joogtada ah ee UNDP...

CXD oo hawlgal ku soo qabtay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

CXD oo hawlgal ku soo qabtay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

September 14, 2025
0

RADIO MUQDISHO(GALGADUUD:- Ciidanka xoogga dalka ayaa howlagal gaar ah ka fuliyay deegaanada hoostago degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud,halkaas oo wali...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In