Sunday, November 23, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Munaasabadda daah-furka Todobaadka Talaalka Adduunka oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Munaasabadda daah-furka Todobaadka Talaalka Adduunka oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan ayaa daahfurey munaasabadda todobaadka Tallaalka Adduunka oo sanadkasta la qabto 24 bisha Abriil ilaa 30 Abriil, waxaana la isku baraarujiyaa muhiimadda Tallaalku uleeyahay Caafimaadka aadamaha.

Munaasabadda waxaa ka soo qeybgaley Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, guddoomiyaha guddiga adeegga bulshada BJFS, Agaasime waaxeedyo iyo madax qaybeedyo ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka, , Xubno sare oo ka tirsan Hey’addaha UNICEF, WHO, Save the Children IRC, Ururka dhaqaatiirta Soomaaliyeed iyo xubno kale oo muhiim ah.

Related posts

Shirweynaha Bahda Cadaaladda Soomaaliyeed oo maalintii 2aad ka soconaya magaalada Muqdisho

Shirweynaha Bahda Cadaaladda Soomaaliyeed oo maalintii 2aad ka soconaya magaalada Muqdisho

November 23, 2025
Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka tacsiyadeeyay geerida ku timi fanaanad Qaran Maryan Naasir

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka tacsiyadeeyay geerida ku timi fanaanad Qaran Maryan Naasir

November 23, 2025

Munaasabadda ayaa daarnayd xuska todobaadka Tallaalka Adduunka, maanta oo kale 50 sano ka hor ayaa adduunku u aqoonsaday todobaadka ugu danbeeya bisha Abril inay noqoto todobaadka Tallaalka adduunka, waxaa kulankan looga hadlaa siddii kor loogu qaadi lahaa, loona noolayn lahaa wacyigelinta bulshada ee muhiimada Tallaalka.

Tallaalku waxa uu ilmaha ka difaacaa cudurrada dilaaga ah ee ku dhaca sida jadeecada, gawracatada, xiiqdheerta dabaysha iyo kuwa la mid ah, ilmaha Tallaalan marka cuduradani ku dhacaan waxa uu jirkiisu yeeshaa difaac adag balse ilmaha aan Tallalanayn ayaa suurta gal ah in halis Caafimaad uu galo qaarkoodna waxaa dhacda inay udhintaan.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegey in sanadkan lasoo kordhiyey Tallaalka Shubanka iyo Oofwareenka, waxa uuna sidoo kale sheegey in Wasaaradda Caafimaadku tallaabo ka qaadi doontaa dadka soo gudbiya xogaha qaldan ee ku aadan arrimaha Tallaalka, kuwaas oo uu ku tilmaamey dambiilayaal mudan in lala xisaabtamo

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an in ay gaarsiiso dhammaan wadanka si Caruurteena Soomaaliyeed ay u hellaan Tallaalka taasoo ah mid muhim ah waxayna Wasaaraddu gaarsiin doontaa Tallaalka deegaanada laga xureeyey Khawaarijta iyo goobo kale oo uusan horey u gaarin Tallaalka.











Previous Post

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA iyo Duqa Muqdisho oo ka wada hadlay xal u helidda caqabadaha jira

Next Post

Madaxweynaha JFS oo booqday Jasiiradda Sansibar

Next Post
Madaxweynaha JFS oo booqday Jasiiradda Sansibar

Madaxweynaha JFS oo booqday Jasiiradda Sansibar

Shirweynaha Bahda Cadaaladda Soomaaliyeed oo maalintii 2aad ka soconaya magaalada Muqdisho

Shirweynaha Bahda Cadaaladda Soomaaliyeed oo maalintii 2aad ka soconaya magaalada Muqdisho

November 23, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Magaalada Muqdisho waxaa maalintii labaad ka socda Shirweynaha 1-aad ee Bahda Caddaaladda Soomaaliyeed, kaasi oo sanadkan si gaar ah...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka tacsiyadeeyay geerida ku timi fanaanad Qaran Maryan Naasir

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka tacsiyadeeyay geerida ku timi fanaanad Qaran Maryan Naasir

November 23, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar Al-Cadaala,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo madaxtooyada ku qaabilay garsoore Cumar Cartan

Madaxweyne Xasan Sheekh oo madaxtooyada ku qaabilay garsoore Cumar Cartan

November 23, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xusaya sumcadda iyo maamuuska uu dadka Soomaaliyeed u soo hoyey...

Mudaneyaasha Labada Aqal oo ansixiyay xisaab-xirka miisaaniyad-sanadeedkii 2024

Mudaneyaasha Labada Aqal oo ansixiyay xisaab-xirka miisaaniyad-sanadeedkii 2024

November 22, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Mudanayaasha labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 7-aad kulankiisa lixaad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In