Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Munaasabadda daah-furka Todobaadka Talaalka Adduunka oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Munaasabadda daah-furka Todobaadka Talaalka Adduunka oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan ayaa daahfurey munaasabadda todobaadka Tallaalka Adduunka oo sanadkasta la qabto 24 bisha Abriil ilaa 30 Abriil, waxaana la isku baraarujiyaa muhiimadda Tallaalku uleeyahay Caafimaadka aadamaha.

Munaasabadda waxaa ka soo qeybgaley Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, guddoomiyaha guddiga adeegga bulshada BJFS, Agaasime waaxeedyo iyo madax qaybeedyo ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka, , Xubno sare oo ka tirsan Hey’addaha UNICEF, WHO, Save the Children IRC, Ururka dhaqaatiirta Soomaaliyeed iyo xubno kale oo muhiim ah.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Munaasabadda ayaa daarnayd xuska todobaadka Tallaalka Adduunka, maanta oo kale 50 sano ka hor ayaa adduunku u aqoonsaday todobaadka ugu danbeeya bisha Abril inay noqoto todobaadka Tallaalka adduunka, waxaa kulankan looga hadlaa siddii kor loogu qaadi lahaa, loona noolayn lahaa wacyigelinta bulshada ee muhiimada Tallaalka.

Tallaalku waxa uu ilmaha ka difaacaa cudurrada dilaaga ah ee ku dhaca sida jadeecada, gawracatada, xiiqdheerta dabaysha iyo kuwa la mid ah, ilmaha Tallaalan marka cuduradani ku dhacaan waxa uu jirkiisu yeeshaa difaac adag balse ilmaha aan Tallalanayn ayaa suurta gal ah in halis Caafimaad uu galo qaarkoodna waxaa dhacda inay udhintaan.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegey in sanadkan lasoo kordhiyey Tallaalka Shubanka iyo Oofwareenka, waxa uuna sidoo kale sheegey in Wasaaradda Caafimaadku tallaabo ka qaadi doontaa dadka soo gudbiya xogaha qaldan ee ku aadan arrimaha Tallaalka, kuwaas oo uu ku tilmaamey dambiilayaal mudan in lala xisaabtamo

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an in ay gaarsiiso dhammaan wadanka si Caruurteena Soomaaliyeed ay u hellaan Tallaalka taasoo ah mid muhim ah waxayna Wasaaraddu gaarsiin doontaa Tallaalka deegaanada laga xureeyey Khawaarijta iyo goobo kale oo uusan horey u gaarin Tallaalka.











Previous Post

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA iyo Duqa Muqdisho oo ka wada hadlay xal u helidda caqabadaha jira

Next Post

Madaxweynaha JFS oo booqday Jasiiradda Sansibar

Next Post
Madaxweynaha JFS oo booqday Jasiiradda Sansibar

Madaxweynaha JFS oo booqday Jasiiradda Sansibar

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In