Saturday, March 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka amniga XFS oo xarigga ka jaray dhismayaal lagu soo kordhiyay xarunta Miina baarista Booliska

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Wasiirka amniga XFS oo xarigga ka jaray dhismayaal lagu soo kordhiyay xarunta Miina baarista Booliska
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka amniga gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa xarigga ka jaray dhismaha cusub ee xarunta Miina baarista ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Munaasabadda xarig jarka dhismayaasha cusub ayaa waxaa  goob joog ka ahaa  Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Sulub Axmed Firin iyo Taliye Xigeenka Boliiska Sareeye Guuto Zakiya Xuseen Axmed iyo marti sharaf ka socotay hay’adaha Caalamiga ah.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka tacsiyadeeyay geerida marxuum General Maxamed Cali Abokor

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka tacsiyadeeyay geerida marxuum General Maxamed Cali Abokor

March 7, 2026
Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 7, 2026

Sareeye Guuto Sulub Axmed Firin ayaa qiray in saraakiisha iyo ciidanka Booliska ee ka howlgala xaruntan ay yihiin Badbaadiyahaasha Bulshada, isagoo xusay in xilli kasta ay  diyaar u yihiiin  ka hortagga dhagaraha Khawaarijta ay u soo maleegeyso shacabka.

Wasiirka Amniga Gudaha  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil ayaa u mahadceliyay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan Saraakiisha iyo Askarta xaruntan, kuwaas oo mar walba qatar u giliya naftooda sidii ay u badbaadin lahaayeen bulshadooda.

Xuruntaan lagu soo kordhiyay dhismayaasha cusub ayaa halbowle u ah sugidda amniga guud ee dalka, gaar ahaan Caasimada Muqdisho .

Wasiirka iyo Taliyaha ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay dowladda Japan oo gacan ka geysatay hirgelinta xaruntan oo muhiimad gaar ah u leh ciiidanka booliska iyo shacabka Soomaaliyeed.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Xamsa “Ma aqbalayno in markale aan ku laabano doorashadii Teendhada”

Next Post

Wasiirka Howlaha Guud XFS oo soo xiray shirka horumarinta dib u dhiska waddooyinka dalka

Next Post
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasiirka Howlaha Guud XFS oo soo xiray shirka horumarinta dib u dhiska waddooyinka dalka

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka tacsiyadeeyay geerida marxuum General Maxamed Cali Abokor

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka tacsiyadeeyay geerida marxuum General Maxamed Cali Abokor

March 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ciidanka Qaranka...

Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 7, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la afuray ciidanka xoogga

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la afuray ciidanka xoogga

March 6, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta la afuray cutubyo ka tirsan  Ciidanka Xoogga Dalka, isaga oo ku...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Jeneraal Maxamed Cali Abokor

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Jeneraal Maxamed Cali Abokor

March 6, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh ka diray geerida, Alle ha u naxariistee, Janaraal...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In