Friday, June 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Xamsa “ Hawlgalka Atalanta waxa uu saldhig u ahaa kor u qaadidda badqabka iyo amniga guud ee Badda Soomaaliya”.

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Xamsa “ Hawlgalka Atalanta waxa uu saldhig u ahaa kor u qaadidda badqabka iyo amniga guud ee Badda Soomaaliya”.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa tilmaamay muhiimdda ay leedahay in la kobciyo awoodaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha Soomaaliya, si ay awood ugu yeeshaan, ulana wareegaan amniga guud ee ilaalinta iyo difaaca Badda Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha oo daawaday dhoolatus ay soo bandhigeen ciidammo loo tababaray Ilaalinta Xeebaha Soomaaliya, ayaa ku bogaadiyey Midowga Yurub tababarka iyo xirfadda sare ee ay bareen ciidanka, kuwaas oo loo diyaariyey in ay la wareegaan amniga xeebaha Soomaaliya.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ubax Dhigay Taalada Dhagax-tuur

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ubax Dhigay Taalada Dhagax-tuur

June 26, 2026
Madaxweynaha Burkina Faso, oo warqadaha aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Safiirka Soomaaliya

Madaxweynaha Burkina Faso, oo warqadaha aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Safiirka Soomaaliya

June 26, 2026

Ra’iisul Wasaaraha oo kula hadlayey Markab taagan xeebaha Soomaaliya saraakiil ka tirsan Hawlgalka Atalanta, ayaa uga mahadceliyey taageeradooda muhiimka ah, si looga difaaco xeebaha dalkeenna danbiilayaasha ka fuliya falalka sharci darrada ah.

“Tan iyo 2008, Hawlgalka Atalanta waxa uu saldhig u ahaa kor u qaadidda badqabka iyo amniga guud ee Badda Soomaaliya, taas oo muhiim u ahayd ka hortagga burcad-badeednimada, hubinta badbaadada maraakiibta, la dagaallanka kalluumeysiga sharci-darrada ah iyo dembiyada ka dhaca badda”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Xukuumadda DanQaran ayaa waxaa ka go’an dhismaha ciidan Soomaaliyeed oo awood u leh ilaalinta Xeebaha dalka, si ay uga hortagaan cid walba oo ka geysanaysa xadgudubyo.

Previous Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo madaxtooyada Qaranka ku qaabiley Madaxa Hay’adda Sirdoonka Qaranka Turkiga

Next Post

Wafdi ka socda dowladda Sweden iyo UNDP oo booqday xarunta hay’adda SoDMa “SAWIRRO”

Next Post
Wafdi ka socda dowladda Sweden iyo UNDP oo booqday xarunta hay’adda SoDMa “SAWIRRO”

Wafdi ka socda dowladda Sweden iyo UNDP oo booqday xarunta hay’adda SoDMa “SAWIRRO”

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ubax Dhigay Taalada Dhagax-tuur

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ubax Dhigay Taalada Dhagax-tuur

June 26, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka duulaya maamuuska halyeeyadii naf u huray soo dhicinta gobanimada dalkeenna...

Madaxweynaha Burkina Faso, oo warqadaha aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Safiirka Soomaaliya

Madaxweynaha Burkina Faso, oo warqadaha aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Safiirka Soomaaliya

June 26, 2026
0

Danjiraha JFS ee dalka South Sudan, isla markaana ah Danjiraha Ma-degenaha ah ee Soomaaliya ee Burkina Faso, Danjire Jaamac Xasan...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay xuska 66-sano guurada xornimadii Gobolada Waqooyi ee Dalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay xuska 66-sano guurada xornimadii Gobolada Waqooyi ee Dalka

June 26, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa ka qayb galay munaasabad ballaaran oo lagu maamuusay 66 sano...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qeybgalay xuska 66-sano guurada xornimadii Gobolada Waqooyi ee Dalka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qeybgalay xuska 66-sano guurada xornimadii Gobolada Waqooyi ee Dalka

June 26, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa isaga oo ku sugan magaalada Dhuusamareeb, hambalyo iyo bogaadin...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In