Saturday, April 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wadamada Carabta iyo Bartamaha Aasiya oo DFS ku taageeray diidmada heshiis beenaadkii Itoobiya iyo maamulka Somaliland

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Wadamada Carabta iyo Bartamaha Aasiya oo DFS ku taageeray diidmada heshiis beenaadkii Itoobiya iyo maamulka Somaliland
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kalfadhigii 3-aad ee Madasha Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Carabta, dalalka Bartamaha Aasiya iyo Jamhuuriyadda Azerbaijan ayaa maanta lagu soo gaba-gebeeyey magaalada Doha ee Caasimadda dalka Qatar, iyadoo laga wada hadlay caqabadaha iyo fursadaha ku xeeran horumarinta iskaashi wadajir ah.

Kulanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Wadamada Carabta, Azerbaijan, Uzbekistan, Tajikistan, Turkmenistan, Jamhuuriyadda Kyrgyz, Kazakhstan iyo Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta Mudane Ahmed Aboul Gheit

Related posts

Hoggaamiyaha Kumeel-Gaarka Ee KGS oo la kulmay mid kamid ah Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Dalka Ka Dhisan

Hoggaamiyaha Kumeel-Gaarka Ee KGS oo la kulmay mid kamid ah Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Dalka Ka Dhisan

April 25, 2026

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 24th April, 2026

April 24, 2026

Kalfadhiga ayaa laga soo saaray war-saxaafadeed oo ka koobnaa dhowr qodob oo muhiim ah, waxaana ka mid ah:-

1- Wasiirradu waxay cadeeyeen inay ka soo horjeedaan faragelin kasta oo lagu sameeyo arrimaha gudaha ee dalalka islamarkaana waxay ku baaqeen in la ixtiraamo madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed si waafaqsan Axdiga iyo mabaadi’da Qaramada Midoobay iyo sharciga caalamiga ah.

2- Wasiirradu waxay si gaar ah u taageerayaan amniga, xasiloonida, midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, waxayna ku taageereen dawladda dadaalka ay ugu jirto ilaalinta madax-bannaanida Soomaaliya ee berriga, badda iyo cirkaba, sida ku cad qodobka 51-aad ee Axdiga Qaramada Midoobay, iyo Qodobada Axdiga Jaamacadda Carabta, isla markaana waxay taageereen dhismaha hay’adaha dowliga ah ee dalka.

3- Wasiirradu waxay caddeeyeen inay si buuxda u taageersan yihiin mawqifka ay dawladda Soomaaliya ka qaadatay heshiis beenaadkii ee 1/1/2024 wada saxeexdeen Jamhuuriyadda Federaalka Itoobiya iyo maamulka “Somaliland”.

4- Wasiirrada ayaa sheegay in heshiiskan is afgarad uu u taagan yahay ku xad-gudub bareer ah oo lagu sameeyay mabaadi’da sharciga caalamiga ah, iyo madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, xiriirka deris wanaagga, nabad ku wada noolaanshaha iyo xasilloonida gobolka.

5- Wasiirradu waxay muujiyeen diidmadooda ku aadan heshiiskaas iyo tallaabo kasta oo sharci, siyaasad, ganacsi iyo mid ciidan ah oo ka dhasha, waxayna ku booriyeen dhammaan dalalka inay cambaareeyaan oo ay diidaan heshiiskaas.

6- Wasiirrada ayaa sidoo kale diiday isku dayga looga faa’iideysanayo heshiis beenaadka si xaalad cusub oo siyaasadeed looga abuuro Gacanka Cadmeed, xeebaha Soomaaliya iyo Badda Cas, taaso oo ay ku tilmaameen tallaabo halis gelineysa amniga wadamada Carabta iyo isu-socodka Gobolka.

 

 

Previous Post

Wafdi ka socda dowladda Sweden iyo UNDP oo booqday xarunta hay’adda SoDMa “SAWIRRO”

Next Post

Duqa Muqdisho oo kula la qaatay qaar kamid ah dhallinta ka shaqeyso Nadaafada Xeebta

Next Post
Duqa Muqdisho oo kula la qaatay qaar kamid ah dhallinta ka shaqeyso Nadaafada Xeebta

Duqa Muqdisho oo kula la qaatay qaar kamid ah dhallinta ka shaqeyso Nadaafada Xeebta

Hoggaamiyaha Kumeel-Gaarka Ee KGS oo la kulmay mid kamid ah Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Dalka Ka Dhisan

Hoggaamiyaha Kumeel-Gaarka Ee KGS oo la kulmay mid kamid ah Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Dalka Ka Dhisan

April 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BAYDHABA):-Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Kullan la yeeshay Guddoomiyaha...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 24th April, 2026

April 24, 2026
0

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 24th April, 2026 1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka dib ugu...

Safiirka Soomaaliya ee dalka Nigeria oo si rasmi ah waraaqadaha safiirnimo looga aqbalay.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Nigeria oo si rasmi ah waraaqadaha safiirnimo looga aqbalay.

April 24, 2026
0

Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Nigeria, Mudane Mohamed Osman Mohamed, ayaa si rasmi ah waraaqaha aqoonsiga...

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo tagay gobolka Bakool

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo tagay gobolka Bakool

April 24, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa booqasho ku tagay degmada Xudur ee Gobolka Bakool, Wafdiga ayaa waxaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In