Safiirka Safaarada Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa kulan casho sharaf ah u sameeyay masโuuliyiin ka socday Soomaaliya oo todobaadyadii lasoo dhaafay aqoon kororsi la xariira heerarka kala duwan ee maamulka dowliga ah u joogay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Marti-sharaf ka kala socotay Dowladaha Kenya ,Soomaaliya, Hayโdaha Qaramada Midoobay iyo Diblomaasiyin ayaa munaasabadda goobjoog ahaa, kaasi oo ujeedkiisu ahaa casho sharaf iyo sagootin .
Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa farriin dardaaran ah u jeediyay Masโuuliyiinta ka faaโiideystay Aqoon kororsiga, waxaana uu mahadcelin balaaran ujeediyay dowlada kenya iyo Hayโadaha Qaramada Midoobay ee suurta geliyay.