Wednesday, July 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Waxbarashada oo Jaaliyadda UK uga warbixiyay horumarka dowladda

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Waxbarashada oo Jaaliyadda UK uga warbixiyay horumarka dowladda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Wasiirka Waxbarashada, hidaha iyo tacliinta Sare ee XFS oo howlo shaqo u jooga dalka UK ayaa kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada London.

Safaaradda Soomaaliya ee dalka UK ayaa munaasabad soo dhaweyn ah u sameysay mas’uuliyiinta ka socota dowladda Soomaaliya, waxaana halkaas laga jeediyey kalmado dardaaran, mahad-celin iyo guubaabo isugu jiray.

Related posts

Shir Madaxeedka 25-aad ee Aan Caadiga Ahayn ee Midowga Afrika oo lagu qabtay dalka Ghana

Shir Madaxeedka 25-aad ee Aan Caadiga Ahayn ee Midowga Afrika oo lagu qabtay dalka Ghana

July 22, 2026
Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo olole doorasho ku qabtay Degmada Caabudwaq

Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo olole doorasho ku qabtay Degmada Caabudwaq

July 22, 2026

Ugu horreyn Guddiga Difaaca Qaranimada, Madax-banaanida iyo wadajirka Dhuleed ee Soomaaliya oo sheegay in waajib ay tahay difaaca Qaranimada Soomaaliya ayaa jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas ugu baaqay inay dowladda ku garab istaagaan ilaalinta difaaca dalka iyo ilaalinta midnimada.

Sii hayaha Safiirka Soomaaliya ee dalka UK, ahna Safiir ku xigeenka safaaradda Danjire Dayib Sheekh Axmed ayaa mas’uuliyiinta soo dhaweeyey, isagoo Jaaliyadda Soomaaliyeed uga mahadceliyey ka soo qeyb-galka xafladda.

Danjire Dayib ayaa sheegay in tan iyo markii dib loo furay safaaradda ay door muhiim ah ka qaadatay u adeegidda bulshada Soomaaliyeed iyo ka shaqeynta danaha dowladda Soomaaliya, sida xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee dalkeena uu la leeyahay boqortooyada UK.

Cali Xaaji Warsame oo ka mid ah guddiga difaaca ayaa Jaaliyadda faahfaahin ka siiyey shaqada guddiga, isagoo sheegay in howshaan ay tahay mid Qaran, qof kastana ay waajib ku tahay inuu garab istaago dowladiisa.

Ergeyga Badda Cas, Danjire Yuusuf Garaad Cumar Axmed, oo xubina ka ah guddiga difaaca ayaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee UK ka codsaday inay doorweyn ka qaataan qadiyadda inaalinta badda iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya

Ugu dambeyntii Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa uga mahad celiyey safaaradda iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka UK, isagoo sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’antahay ilaalinta iyo difaaca Qaranimada, Madax-banaanida iyo Wadajirka Dhuleed ee Jamhuuriyadda.

Previous Post

Somalia Marks Africa Day with High-Level Even

Next Post

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo kulan casho u sameeyay xubno ka socday dowladda

Next Post
Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo kulan casho u sameeyay xubno ka socday dowladda

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo kulan casho u sameeyay xubno ka socday dowladda

Shir Madaxeedka 25-aad ee Aan Caadiga Ahayn ee Midowga Afrika oo lagu qabtay dalka Ghana

Shir Madaxeedka 25-aad ee Aan Caadiga Ahayn ee Midowga Afrika oo lagu qabtay dalka Ghana

July 22, 2026
0

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadam, oo ku matalayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo olole doorasho ku qabtay Degmada Caabudwaq

Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo olole doorasho ku qabtay Degmada Caabudwaq

July 22, 2026
0

Waxaa Degmada Caabudwaq ka qabsoomay kulan iyo olole ballaaran oo lagu taageerayey musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran ee u taagan...

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Koonfurta Kuuriya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Koonfurta Kuuriya

July 22, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa maanta...

Danjire Cabdullaahi oo laga guddoomay warqadaha aqoonsiga Danjirenino

Danjire Cabdullaahi oo laga guddoomay warqadaha aqoonsiga Danjirenino

July 22, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Hindiya, Dr Cabdullaahi Maxamed Odowaa, sidoo kalena ah Safiirka aan daganeyn ee Dalalka Sri...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In