Friday, October 10, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya iyo Guddi Qaramada Midoobay oo u billowday wadahadalka qorshaha kala guurka ee UNSOM

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
1 year ago
in Wararka
0
Soomaaliya iyo Guddi Qaramada Midoobay oo u billowday wadahadalka qorshaha kala guurka ee UNSOM
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulan billow ah ayay shalay oo Sabti ahayd (22 June) iskugu yimaadeen Caasimadda Muqdisho Guddi farsamo oo kala matalayay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) oo lagaga xaajonayay qorshaha kala guurka ee UNSOM, si loo suurageliyo unkidda xafiis Q.M ay ku yeelato dalka oo la mid ah kan ka dhisan dalalka kale.

Labada guddi ayaa looga fadhiyaa dejinta jadwal UNSOM looga wareejinayo howlaha ay ka fuliso Soomaaliya.

Related posts

TURKSOM kaalin intee ah ayeey ku leeyihiin dhismaha ciidanka dalka?

TURKSOM kaalin intee ah ayeey ku leeyihiin dhismaha ciidanka dalka?

October 10, 2025
Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza

Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza

October 10, 2025

Howlaha xafiiska siyaasadda Qaramada midoobay waxaa qaarkood la wareegi doonta Dowladda Federaalka Soomaaliya, qaar kalena waxaa sii wadi doona Xafiiska Qaramada Midoobay ee kan beddeli doona oo ah mid la nooc ah xafiisyada Q.M ay ku leedahay dalalka caalamka badankood.

Guddiga farsamo ee Soomaaliya oo ay xubno ka yihiin mas’uulyiin ka socda Xafiisyada Madaxweynaha, Ra’iisal Wasaaraha, Wasaaradaha Arrimaha Dibadda iyo Amniga Qaranka, waxaa hoggaaminya Danjire Yusuf-Garaad Cumar Axmed, dhinaca UNSOM, inkasta oo Ergeyga Gaarka ah ee KMG ee Xoghayaha Guud ee Q.M, Danjire James Swan, uu khadka telefoonka uga qeybgalay isaga oo jooga New York, waxaa hoggaaminayay George Conway oo ah ku Xigeenka Eregyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Tallaabadani waxay astaan u tahay horumarka ay Soomaaliya ka gaartay hannaanka dowladnimada kadib qaran-burburkii dalka 1991, iyada oo sanadka nagu soo fool leh ee 2025 ay Soomaaliyaa xubin buuxda ka noqon doonto Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

 

Previous Post

Booliska oo caawiyay Ardayda si’ay u gaaraan goobaha Imtixaanka lagu galayo

Next Post

Somalia, UN Discuss Roadmap for UNSOM Transition to Country Office

Next Post
Soomaaliya iyo Guddi Qaramada Midoobay oo u billowday wadahadalka qorshaha kala guurka ee UNSOM

Somalia, UN Discuss Roadmap for UNSOM Transition to Country Office

TURKSOM kaalin intee ah ayeey ku leeyihiin dhismaha ciidanka dalka?

TURKSOM kaalin intee ah ayeey ku leeyihiin dhismaha ciidanka dalka?

October 10, 2025
0

Ciidamada Qalabka Sida ee Turkiga (TSK) ayaa laga soo bilaabo sanadkii 2017-kii illaa hadda sii wada Tababarada iyo dhoolatusyada ciidan...

Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza

Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza

October 10, 2025
0

Xukuumadda Israa’iil ayaa ansixisay qorshaha wajiga koowaad ee xabad joojinta Gaza,kaas oo dhigaya in qeybo kamid ah gaza ay Israel...

Adeeg loogu talagalay maareynta gal-dacwadeedyada oo Muqdisho laga hirgaliyay

Adeeg loogu talagalay maareynta gal-dacwadeedyada oo Muqdisho laga hirgaliyay

October 10, 2025
0

Qaar kamid ah madaxda hay’adaha ugu sareeya Cadaaladda dalka ayaa ka qeybgalay kulan la xiriiray soo bandhigga adeeg dhanka computerka...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey heshiisyo dhowr ah

October 9, 2025
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa lagu ansixiyey saddex heshiis oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In