Friday, November 7, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Tababar Muqdisho uga furmay madaxda qeybaha iyo hawlwadeenada Warbaahinta Qaranka

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
1 year ago
in Wararka
0
Tababar Muqdisho uga furmay madaxda qeybaha iyo hawlwadeenada Warbaahinta Qaranka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa furay tababarkan oo ay ka qeyb galayaan 35 xubnood oo ka mid ah Madax qeybaha Warbaahinta Qaranka, Waaxyaha Wasaaradda iyo hawlwadeeno.

Aqoon isweydaarsigani waxaa uu diiradda saarayaa la qabsiga Warbaahinta Qaranka ee casriyaynta warbaahinta iyo Horumarinta hannaanka Tafaftirka iyo Hoggaaminta wadashaqeynta kooxo hawleedyada shaqada.

Related posts

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo isku afgartay dib u dhiska garoomada ciyaaraha ee dalka

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo isku afgartay dib u dhiska garoomada ciyaaraha ee dalka

November 7, 2025
Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

November 6, 2025

Tababarka waxaa uu soconayaa muddo saddax maalmood ah, waxaana macalimiinta bixinaya ka mid ah Danjire Yuusuf Garaad Cumar, wasiirkii hore Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ah siyaasi iyo saxafi rug caddaa ah iyo Macalimiin oo ay wasaaradda u soo xushay.

Furitaanka tababarka waxaa goobjoog ahaa Agaasimaha Waaxda Shaqaalaha iyo Tababarada iyo Agaasimaha Istiraatiyadda Warbaahinta ee Wasaaradda oo wadajir u soo qaban qaabiyay aqoon isweydaarsigan.

Agaasime Guud ee Wasaaradda Mudane Cabdullaahi Xayir ayaa  sheegay in ujeedka tababarkani yahay xoojinta aqoonta iyo xirfadda madaxda qeybaha iyo hawlwadeenada la soo xulay oo qibrad u leh shaqada Wasaaradda iyo qeybaha Warbaahinta, waxaana uu kula dardaarmay ka qeyb galayaasha in ay ka faa’iidaystaan  qabiirada iyo Macalimiinta ay Wasaaradda u soo xushay fududeynta aqoon isweydaarsigaan.

Previous Post

Xildhibaanada golaha shacabka BJFS oo maanta ka doodaya hindise sharciyeedyo muhiim ah

Next Post

Ciidanka Ammaanka oo soo gabagabeeyey howlgalkii ka socday Xabsiga Dhexe

Next Post
Ciidanka Ammaanka oo soo gabagabeeyey howlgalkii ka socday Xabsiga Dhexe

Ciidanka Ammaanka oo soo gabagabeeyey howlgalkii ka socday Xabsiga Dhexe

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo isku afgartay dib u dhiska garoomada ciyaaraha ee dalka

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo isku afgartay dib u dhiska garoomada ciyaaraha ee dalka

November 7, 2025
0

Wasiirka wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali ayaa kulan muhiim ah la qaatay dhigiisa Mudane Amiir Cabdulcasiis...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

November 6, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa kulan kula qaatay xafiiskiisa masuuliyiinta kala duwan ee qeybaha hoos...

Guddoomiyaha Dhallinyarada Qaranka oo ka qeyb-galaya shir muhiim ah oo ka socda Jabuuti.

Guddoomiyaha Dhallinyarada Qaranka oo ka qeyb-galaya shir muhiim ah oo ka socda Jabuuti.

November 6, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed, Mudane Maxamed Cali Siyaad, ayaa ku sugan dalka Jabuuti, halkaas oo uu uga qeyb-galayo shir...

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan ilaalinta rayidka oo la kulmay Madaxa AUSSOM.

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan ilaalinta rayidka oo la kulmay Madaxa AUSSOM.

November 6, 2025
0

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan xasilinta iyo ilaalinta arrimaha rayidka, Xildhibaan Cumar Xaashi, ayaa maanta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In