Wasiiru dowlaha wasaaradda Arrimaha dibadda XFS Cali Balcad ayaa faah faahin ka bixiyay shirka Qurba-jooga Soomaaliyeed oo maanta Doha uu ka furay Ra’iisula wasaaraha XFS.
Wasiir Cali Balcada ayaa sheegay in shirka oo socon doono mudda seddax cisha ah looga hadli doono sidii loo mideen lahaa Qurba-joogta leyskuna xiri lahaa iyaga iyo dowladda.
Wasiir Cali Balcad “ Shirweynahan waxaa looga hadlayaa sidii loo mideyn lahaa awooda Qurbajoogta Soomaaliyeed”.
Wasiirka ayaa sheegay in shirkan oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda arrimaha dibadda iyo oo kaashaneysa dhigeeda Qatar inta u socda lagu soo bandhigi doono barnaamijya kala duwan oo ka hadlaya caqabadaha heysta Qurba-joogta iyo sidii looga gudbi lahaa,ka faa’ideysaga hormarada kala duwan ee dalka ka socda.
Waxaa shirka ka qeyb galayo wasiirka Arrimaha dibadda, wasiirka Waxbarashada iyo Qurba joog ka kala timid meela kala duwan oo caalamka ah.