Wednesday, October 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir kuxigeenka Xanaanada Xoolaha Galmudug oo lagu wareejiyay Suuq laga hirgaliyay Gaalkacyo

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
1 year ago
in Wararka
0
Wasiir kuxigeenka Xanaanada Xoolaha Galmudug oo lagu wareejiyay Suuq laga hirgaliyay Gaalkacyo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dowlad Gobaleedka Galmudug, ayaa kala wareegtay Hay’adda FAO Suuq loogu talagalay in lagu iibiyo xoolaha oo ay ka dhiseen dhawaan magaalada Gaalkacyo.

Suuqaan oo ah mid loogu talagalay iibka xoolaha iyo xanaaneeynto oo ay hirgalisay Hay’adda FAO oo ay maalgaliyeen Midowga yurub, ayaa maanta si rasmi ah loogu wareejiyay Wasaarada Xanaanada Xoolaha Dowlad Gobaleedka Galmudug.

Related posts

Duqa Muqdisho oo vasho sharaf u sameeyay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Waqooyi Bari.

Duqa Muqdisho oo vasho sharaf u sameeyay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Waqooyi Bari.

October 15, 2025
Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

October 14, 2025

Munaasabada Wareejinta Suuqaan oo ay kasoo qeybgaleen Masuuliyiinta ka tirsan Dowlad gobaleedka Galmudug oo uu horkacayay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Galmudug Shariif Cabdinuur Barre iyo qaar ka mida Ganacsatada Xoolaha, Waxgaradka magaalada iyo Madaxda Ururada Haweenka.

Saraakiishii ka socatay Hay’adda FAO, ayaa iyaguna kula dardaarmay maamulka iyo bulshada reer Gaalkacyo in ay ka faa’ideeystaan Suqaaan,Loo dhisay ayna ka shaqeeyaan nadaafada suuqa.

Xildhibaan Maxamed Xuseen Tahliil Calool geel oo ka mida xildhibaanada Golaha Shacabka Galmudug, ayaa u mahadceliyay Hay’adda FAO iyo Wasaaarada xanaanada Xoolaha.

Ugu dambeyn Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Galmudug Shariif Cabdinuur Barre, ayaa si rasmi ah ula wareegay suuqaan isagoona sheegay in looga faa’iideeysan doono sidii loogu talagalay suuqa.










Previous Post

Ciidanka Xoogga Dalka oo xubno khawaarijta ka tisanaa ku laayay Bakool

Next Post

Madaxweynaha KGS oo kulan la qaatay Xoghayaha QM u qabilsan arrimaha Gargaarka 

Next Post
Madaxweynaha KGS oo kulan la qaatay Xoghayaha QM u qabilsan arrimaha Gargaarka 

Madaxweynaha KGS oo kulan la qaatay Xoghayaha QM u qabilsan arrimaha Gargaarka 

Duqa Muqdisho oo vasho sharaf u sameeyay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Waqooyi Bari.

Duqa Muqdisho oo vasho sharaf u sameeyay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Waqooyi Bari.

October 15, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa xalay casho sharaf ku maamuusay Guddoomiyaha Golaha...

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

October 14, 2025
0

14-ka Oktoobar,gaar ahaab 2017-kii waaa dhacdo aad u xanuun badan oo laheyd naxdin iyo amakaag,,kadib kolkii maalin qura ay dhibaatooyin...

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

October 14, 2025
0

Shirka Heer Wasiir ee Ururka Dhexdhexaadka Adduunka (Non-Aligned Movement – NAM) ayaa ka furmay magaalada Kampala ee dalka Uganda. ‎...

Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka oo laga xusay Muqdisho

Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka oo laga xusay Muqdisho

October 13, 2025
0

Iyadoo caalamku maanta u xusaysaa Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka, Soomaaliya waxay xusaysaa adkeysiga iyo geesinimada bulshada Soomaaliyeed...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In