Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cali Yuusuf Cali- Xoosh ayaa casho sharaf u sameeyey Wasiirada Arrimaha Gudaha iyo agaasimeyaasha guud ee dowlad goboleedyada iyo Maamulka Kumeelgaarka ah ee Khaatumo ee ka qeybgalay Madasha Iskuwidda Xasillinta dalka.
Cashada waxaa kale oo qeyb ka ahaa Guddomiyaha Heyβadda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, Maareeyaha heyβadda NIRA, Agaasimayaal iyo masβuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS.























