Monday, June 16, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wafdiga Madaxweynaha Hirshabeelle oo lagu so dhaweeyay degmada Mahadaay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
August 6, 2024
in Wararka
0
Wafdiga Madaxweynaha Hirshabeelle oo lagu so dhaweeyay degmada Mahadaay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo u wehliyo Madaxweyne ku-xigeenka Mudane Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), Xubno kala kala tirsan Golaha Wasiirrada, Barlamaanka, Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan, Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada Gobalka Shabeellada Dhexe, Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida ayaa safar shaqo ku tagey degmada Mahadaay ee Gobalka Shabeellaha dhexe.

Maamulka Degmada Mahadaay, Dhaqanka, Haween, Dhallinyarada iyo Carruur ayaa wafdiga si diiran ugu soo dhaweeyay Degmadaasi.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo kormeeray xarunta dhexe ee Wasaaradda uu dib u dhis ka socdo

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo kormeeray xarunta dhexe ee Wasaaradda uu dib u dhis ka socdo

June 16, 2025
Wasiirka Beeraha iyo Waraabka oo Daah-furay Xarunta cusub ee Sheybaarka Sumaha Beeraha ee (SARIS)

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka oo Daah-furay Xarunta cusub ee Sheybaarka Sumaha Beeraha ee (SARIS)

June 16, 2025

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa la hadlay bulshada waxana uu yiri: “Waan ku faraxsanahay inaan soo gaaro Mahadaay oo xor ka ah Khawaarijta. Horumar dhinac walba ayaan u gudbeynaa xilligan wixii ka dambeeyo.”

Sidoo kale Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa dhagax-dhiggay mashaariicda kala ah:-

1. Xarunta Degmada

2. ⁠Dugsiga Hoose, Dhexe iyo Sare

3. ⁠Nalalka Cadceedda ku shaqeeyo.

Ugu dambeyn Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa ku ammaanay bulshada Degmada Mahadaay qaabka ay u soo dhaweeyeen wafdigiisa.

 




Previous Post

Ceel ku yaala deegaanka Daaru-nimca oo dib u dayactir lagu sameeyay

Next Post

Golaha Wasiirrada oo shir degdeg ah ka yeeshay Qarixii Liido

Next Post
Golaha Wasiirrada oo shir degdeg ah ka yeeshay Qarixii Liido

Golaha Wasiirrada oo shir degdeg ah ka yeeshay Qarixii Liido

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo kormeeray xarunta dhexe ee Wasaaradda uu dib u dhis ka socdo

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo kormeeray xarunta dhexe ee Wasaaradda uu dib u dhis ka socdo

June 16, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa maanta kormeeray xarunta dhexe ee Wasaaradda ee...

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka oo Daah-furay Xarunta cusub ee Sheybaarka Sumaha Beeraha ee (SARIS)

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka oo Daah-furay Xarunta cusub ee Sheybaarka Sumaha Beeraha ee (SARIS)

June 16, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, ayaa si rasmi ah u daah-furay...

Mashruuc Hormarineyd oo ay soo Agaasintay Wasaaradda Howlaha Guud ayaa laga hirgeliyay Garoowe

Mashruuc Hormarineyd oo ay soo Agaasintay Wasaaradda Howlaha Guud ayaa laga hirgeliyay Garoowe

June 16, 2025
0

Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyada oo u hoggaansameysa siyaasadda horumarineed ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka qeyb galay kulan Wacyigelin oo ku saabsan Doorashooyinka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka qeyb galay kulan Wacyigelin oo ku saabsan Doorashooyinka

June 16, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa xarunta Degmada Yaaqshiid kaga qeyb galay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In