Saturday, August 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo ka dooday Hindise Sharciyeedka Xakameynta Kimikooyinka Beeraha

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Xildhibaannada Golaha Shacabka oo ka dooday Hindise Sharciyeedka Xakameynta Kimikooyinka Beeraha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeeshay xarunta golaha shacabka,waxaana shir guddoominayay guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Ajendaha kulanka ee maanta ayaa waxa uu ahaa Akhrinta labaad ee hindise sharciyeedka xakameynta kiimikooyinka beeraha Soomaaliyeed, waxaana warbixinta akhrinta labaad ee hindise sharciyeedkan golaha u akhriyay guddoomiyaha guddiga Beeraha, Horumarinta Reer-Miyiga, Xoolaha & Khayraadka Badda ee golaha shacabka Xildhibaan Mukhtaar Maxamed Guuleed.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta oo ka tacsiyadeeyey geerida fanaan Cigaal

Wasiirka Warfaafinta oo ka tacsiyadeeyey geerida fanaan Cigaal

July 31, 2026
Guddoomiye Cabdi Xaashi oo ka tacsiyeeyay geerida AUN  Axmed Cali Cigaal

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo ka tacsiyeeyay geerida AUN Axmed Cali Cigaal

July 31, 2026

Intaasi ka dib Xildhibaannada golaha shacabka ayaa ka dooday qodobada hindise sharciyeedkan iyo faa’idooyinka uu dalka u leeyahay,sidoo kalena waxaa su’aalaha Xildhibaannada ee hindise sharciyeedkan ka jawaabayay wasiirka Wasaaradda beeraha iyo waraabka ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo guddoomiyaha guddiga Beeraha, Horumarinta Reer-Miyiga, Xoolaha & Khayraadka Badda ee golaha shacabka Xildhibaan Mukhtaar Maxamed Guuleed.

Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee golaha shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow oo kulanka soo xiray kulanka ayaa sheegay in la soo gaba gabeeyay dooda hindise sharciyeedka xakameynta kiimikooyinka beeraha Soomaaliyeed gudigana dib loogu celiyay si uu dooda iyo fikradaha Xildhibaannada ugu soo daro akhrintiisa sedaxaadna uu golaha ugu soo celiyo.

Dhinaca kale Xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa loo qeybiyay heshiiska Qaramada Midoobay ee la dagaalanka dambiyada abaabulan ee isaga gudba Qaramada iyo baratakooladiisa.

Previous Post

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kormeeray xarunta Qaran ee Howlgallada Gurmadka deg-degga ah

Next Post

Guddiga Dib-u-eegista Dastuurka ee BJFS oo ka shiray howlaha hortebinta u leh

Next Post
Guddiga Dib-u-eegista Dastuurka ee BJFS oo ka shiray howlaha hortebinta u leh

Guddiga Dib-u-eegista Dastuurka ee BJFS oo ka shiray howlaha hortebinta u leh

Wasiirka Warfaafinta oo ka tacsiyadeeyey geerida fanaan Cigaal

Wasiirka Warfaafinta oo ka tacsiyadeeyey geerida fanaan Cigaal

July 31, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfitaax Qaasim Maxamuud, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar...

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo ka tacsiyeeyay geerida AUN  Axmed Cali Cigaal

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo ka tacsiyeeyay geerida AUN Axmed Cali Cigaal

July 31, 2026
0

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelada, bahda...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka qeybgalay shirka ka jawaabista saameynta la filayo ee Super El Niño 2026

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka qeybgalay shirka ka jawaabista saameynta la filayo ee Super El Niño 2026

July 30, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ku matalay shir dhanka Zoomka ah...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN MIRO DHAL AH LA QAATAY DHIGGIISA DALKA YUGAANDHA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN MIRO DHAL AH LA QAATAY DHIGGIISA DALKA YUGAANDHA

July 30, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galinkii dambe ee maanta safar shaqo ku gaaray magaalada Kambaala ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In