Sunday, September 14, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka qeyb galay Bandhiga waxqabadka xukuumadda Dan-qaran

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
August 25, 2024
in Wararka
0
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka qeyb galay Bandhiga waxqabadka xukuumadda Dan-qaran
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxmaed Nuur (Madoobe) oo ka qeyb galay Bandhiga waxqabadka xukuumadda Dan-qaran oo lagu qabtay Magaaladda Muqdisho ayaa ku amaanay Ra’isulwasaaraha xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo golihiisa wasiiradda wax qabadka muuqda ee ay la yimaadeen mudadii labada sano aheyd oo ay jireen.

 

Related posts

GUDDOOMIYAHA SoDMA OO DAAHFURAY DHISMAHA XARUNTA BAKHAARKA KAYDINTA GARGAARKA EE DG WAQOOYI BARI

GUDDOOMIYAHA SoDMA OO DAAHFURAY DHISMAHA XARUNTA BAKHAARKA KAYDINTA GARGAARKA EE DG WAQOOYI BARI

September 13, 2025
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO XARIGGA KA JARAY XARUNTA CUSUB EE TALISKA SAHANKA IYO SIRDOONKA CXDS

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO XARIGGA KA JARAY XARUNTA CUSUB EE TALISKA SAHANKA IYO SIRDOONKA CXDS

September 13, 2025

Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa sheegay in guulaha waxtarka leh ee la gaaray mudadii labada sano aheyd ay horseed u ahaayeen shuruucdii muhiimka aheyd ee ay ansixiyeen labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,wuxuuna Ra’isulwasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya uga mahadceliyay hogaamintiisa wanaaagsan ee laanta fulinta.

 

Ugu dambey Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in horumarkan la gaaray mudada kooban ee labada sano ah lagu gaaray wada shaqeynta hay’adaha kala duwan ee dowladda iyo kalsoonida shacabka Soomaaliyeed, mudada harsanna la gaari karo horumar midka hada la gaaray kasii balaaran ,wuxuuna shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay dowladooda taageeraan oo ay ku garab istaagaan horumarka dowladnimo ee Dalka.

Previous Post

Madaxweynaha JFS oo qeyb galay bandhigga sanadlaha ah ee waxqabadka Xukuumadda

Next Post

waxqabadkii ballaarnaa ee u qabsoomey labadii sano ee lasoo dhaafey

Next Post
waxqabadkii ballaarnaa ee u qabsoomey labadii sano ee lasoo dhaafey

waxqabadkii ballaarnaa ee u qabsoomey labadii sano ee lasoo dhaafey

GUDDOOMIYAHA SoDMA OO DAAHFURAY DHISMAHA XARUNTA BAKHAARKA KAYDINTA GARGAARKA EE DG WAQOOYI BARI

GUDDOOMIYAHA SoDMA OO DAAHFURAY DHISMAHA XARUNTA BAKHAARKA KAYDINTA GARGAARKA EE DG WAQOOYI BARI

September 13, 2025
0

RADIO MUQDISH: Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray dhismaha...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO XARIGGA KA JARAY XARUNTA CUSUB EE TALISKA SAHANKA IYO SIRDOONKA CXDS

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO XARIGGA KA JARAY XARUNTA CUSUB EE TALISKA SAHANKA IYO SIRDOONKA CXDS

September 13, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuray Xarunta cusub ee Taliska Sahanka iyo Sirdoonka...

Guddoonka Baarlamaanka oo shaaciyay furitaanka kalfadhiga 7-aad ee BJFS

Guddoonka Baarlamaanka oo shaaciyay furitaanka kalfadhiga 7-aad ee BJFS

September 13, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Taliyaha Ciidanka Booliiska oo kulan la yeeshay Madaxa EUCAP ee Soomaaliya

Taliyaha Ciidanka Booliiska oo kulan la yeeshay Madaxa EUCAP ee Soomaaliya

September 13, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa EUCAP Soomaaliya Kęstutis Lančinskas...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In