Sunday, January 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiiru-dowlaha Caafimaadka oo kulan mira dhal ah la qaadatay Madaxa Hay’adda ACF-USA

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
1 year ago
in Wararka
0
Wasiiru-dowlaha Caafimaadka oo kulan mira dhal ah la qaadatay Madaxa Hay’adda ACF-USA
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiiru-dowllaha Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Dr. Maryama Maxamed Xuseen,ayaa kulan muhiim ah la qaadatay Madaxa Hay’adda ACF (Action Against Hunger-USA), Mr. Charles Owubah, oo booqasho rasmi ah ku yimid Soomaaliya markii ugu horreysay.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta Wasaaradda iyo Hay’adda ACF.

Related posts

Bannaabax looga soo horjeedo xagudubka Israa’iil oo ka dhacay Muqdisho

Bannaabax looga soo horjeedo xagudubka Israa’iil oo ka dhacay Muqdisho

January 24, 2026
Geesiyaasha Ciidanka XDS oo biyo dhaamin u sameeyay qoysas biyo la’aan saameysay

Geesiyaasha Ciidanka XDS oo biyo dhaamin u sameeyay qoysas biyo la’aan saameysay

January 24, 2026

Intii uu socday kulanka,, Wasiiru-dowllaha Caafimaadka Dr. Maryama iyo Mr. Charles Owubah ayaa si qoto dheer uga wada hadlay arrimaha muhiimka ah ee la xiriira horumarinta adeegyada caafimaadka ee dalka, gaar ahaan kor u qaadista adeegyada caafimaadka aasaasiga ah, daryeelka caafimaadka hooyada iyo dhallaanka, iyo sidii loo gaarsiin lahaa adeegyada caafimaadka ee muhiimka ah dhammaan bulshada Soomaaliyeed.

Wasiiru-dowllaha Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa sidoo kale sheegtay inay muhiim tahay in la kordhiyo iskaashiga farsamo ee ACF iyo Wasaaradda Caafimaadka.

Ugu dambeyntiii Dr. Maryama Maxamed Xuseen ayaa uga mahadcelisay Mr. Charles Owubah iyo wakiilka Hay’adda ACF ee Soomaaliya, dadaalka weyn ee ay ugu jiraan sidii ay bulshada Soomaaliyeed ugu gaarsiin lahaayeen adeegyada caafimaadka ee muhiimka ah, gaar ahaan kuwa hooyada iyo dhallaanka. Waxaana ay muujisay in Wasaaradda Caafimaadka ay si weyn ugu qanacsan tahay wada shaqeynta ka dhaxeysa labada dhinac, ayna rajeynayso in xiriirkaasi uu sii xoogeysto mustaqbalka.







Previous Post

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin u dirtay deegaanka Lambar 50 ee Shabeellaha Hoose

Next Post

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo kulan daah-furan la qaatay Shaqaalaha Wasaaradda

Next Post
Wasiirka Arrimaha Dibadda oo kulan daah-furan la qaatay Shaqaalaha Wasaaradda

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo kulan daah-furan la qaatay Shaqaalaha Wasaaradda

Bannaabax looga soo horjeedo xagudubka Israa’iil oo ka dhacay Muqdisho

Bannaabax looga soo horjeedo xagudubka Israa’iil oo ka dhacay Muqdisho

January 24, 2026
0

Bannaan bax looga soo horjeedo faragelinta Isra’iil ay ku sameysay dalkeenna ayaa ka dhacay degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir. Bannaan...

Geesiyaasha Ciidanka XDS oo biyo dhaamin u sameeyay qoysas biyo la’aan saameysay

Geesiyaasha Ciidanka XDS oo biyo dhaamin u sameeyay qoysas biyo la’aan saameysay

January 24, 2026
0

Geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa toddobaadkan mar kale muujiyay kaalintooda beni’aadannimo, kaddib markii ay biyo-dhaamin degdeg ah u sameeyeen...

War-murtiyeedka Shirka  Golaha Wadatashiga Qaranka

War-murtiyeedka Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

January 24, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shirka Golaha Wadatashiga Qaran (GWQ) oo ay qaab fogaan arag...

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka qayb galay munaasabad ay ku qalin-jabinayeen aqoonyahanno heerarka sare ee waxbarashada

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka qayb galay munaasabad ay ku qalin-jabinayeen aqoonyahanno heerarka sare ee waxbarashada

January 24, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta ka qayb-galay munaasabadda qalin-jabinta aqoonyahanada dhammaystay waxbarashada heerarka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In