Sunday, September 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiiru-dowlaha Caafimaadka oo kulan mira dhal ah la qaadatay Madaxa Hay’adda ACF-USA

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Wasiiru-dowlaha Caafimaadka oo kulan mira dhal ah la qaadatay Madaxa Hay’adda ACF-USA
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiiru-dowllaha Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Dr. Maryama Maxamed Xuseen,ayaa kulan muhiim ah la qaadatay Madaxa Hay’adda ACF (Action Against Hunger-USA), Mr. Charles Owubah, oo booqasho rasmi ah ku yimid Soomaaliya markii ugu horreysay.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta Wasaaradda iyo Hay’adda ACF.

Related posts

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo qaabilay Taliyaha Hawlgallada Gaarka Mareykanka ee Qaaradda Africa

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo qaabilay Taliyaha Hawlgallada Gaarka Mareykanka ee Qaaradda Africa

September 13, 2026
Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo booqasho dhiirrigelin ah ugu tagay Ciidamada ku sugan magaalada Baydhabo

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo booqasho dhiirrigelin ah ugu tagay Ciidamada ku sugan magaalada Baydhabo

September 13, 2026

Intii uu socday kulanka,, Wasiiru-dowllaha Caafimaadka Dr. Maryama iyo Mr. Charles Owubah ayaa si qoto dheer uga wada hadlay arrimaha muhiimka ah ee la xiriira horumarinta adeegyada caafimaadka ee dalka, gaar ahaan kor u qaadista adeegyada caafimaadka aasaasiga ah, daryeelka caafimaadka hooyada iyo dhallaanka, iyo sidii loo gaarsiin lahaa adeegyada caafimaadka ee muhiimka ah dhammaan bulshada Soomaaliyeed.

Wasiiru-dowllaha Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa sidoo kale sheegtay inay muhiim tahay in la kordhiyo iskaashiga farsamo ee ACF iyo Wasaaradda Caafimaadka.

Ugu dambeyntiii Dr. Maryama Maxamed Xuseen ayaa uga mahadcelisay Mr. Charles Owubah iyo wakiilka Hay’adda ACF ee Soomaaliya, dadaalka weyn ee ay ugu jiraan sidii ay bulshada Soomaaliyeed ugu gaarsiin lahaayeen adeegyada caafimaadka ee muhiimka ah, gaar ahaan kuwa hooyada iyo dhallaanka. Waxaana ay muujisay in Wasaaradda Caafimaadka ay si weyn ugu qanacsan tahay wada shaqeynta ka dhaxeysa labada dhinac, ayna rajeynayso in xiriirkaasi uu sii xoogeysto mustaqbalka.

Previous Post

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin u dirtay deegaanka Lambar 50 ee Shabeellaha Hoose

Next Post

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo kulan daah-furan la qaatay Shaqaalaha Wasaaradda

Next Post
Wasiirka Arrimaha Dibadda oo kulan daah-furan la qaatay Shaqaalaha Wasaaradda

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo kulan daah-furan la qaatay Shaqaalaha Wasaaradda

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo qaabilay Taliyaha Hawlgallada Gaarka Mareykanka ee Qaaradda Africa

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo qaabilay Taliyaha Hawlgallada Gaarka Mareykanka ee Qaaradda Africa

September 13, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee Mareykanka ee...

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo booqasho dhiirrigelin ah ugu tagay Ciidamada ku sugan magaalada Baydhabo

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo booqasho dhiirrigelin ah ugu tagay Ciidamada ku sugan magaalada Baydhabo

September 13, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Gen. Sahal Cabdullaahi Cumar, oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan Ciidanka XDS, ayaa...

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

September 12, 2026
0

Dable Xoogga Maxamuud Axmed Faarax Kabtan Dhashiike, ayaa Lagu Eedeeyay in uu si kas ah u dilay Marxuum Cabdicasiis Sheekh...

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray magaalada Baydhabo

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray magaalada Baydhabo

September 12, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed XDS General Sahal Cabdullaahi Cumar oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan Ciidanka XDS ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In