Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo kaashanaysa Hay’adda Socdaalka Adduunka ee IOM ayaa magaalada Kigali ee dalka Rwanda waxa ay ku soo gabagabeeysay aqoon is-weydaarsi socday muddo afar maalmood ah.
Mas’uuliyiinta ka qayb gashay Aqoon is-waydaarsigaan ayaa kulamo kala duwan la qaatay dhiggooda oo ay isku dhaafsadeen Khibradda shaqo, waxa ayna sidoo kale booqdeen xarumaha Hay’adda Socdaalka Rwanda, Hay’adda howlaha Maraakiibta Rwanda, Hay’adda Dakhliga Rwanda, Bar-xaduudeedka Cornishe oo u dhaxeeya Congo iyo Rwanda iyo Garoonka Caalamiga ah ee Kigali.
Aqoon is-weydarsigan ayaa waxa qayb ka ahaa Mas’uuliyiin ka kala socotay Maamulka Garoonka Aaden Abdulle, Booliiska Garoonka AAIA, Custamka Airport, Xafiiska Caafimaadka ee Garoonka iyo Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.