Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa khudbad muhiim ah ka jeediyay ๐๐๐๐๐ฌ๐ก๐ย g๐๐ง๐๐๐ฌ๐ข๐ ๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ข๐ซ๐๐๐๐ฅ๐-๐ฒ๐๐๐ฌ๐ก๐ ๐๐จ๐จ๐ฆ๐๐๐ฅ๐ข๐ฒ๐๐๐ ee Waqooyiga Ameerika oo loo soo gaabiyo (SNABPI) madashaas oo ka qabsoontay magaalada Bloomington Gobolka Minneapolis ee dalka Mareykanka.
Hadaljeedinta Wasiirka Maaliyadda ayaa waxa uu diiradda ku saaray xaaladda dhaqaalaha dalka iyo hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda. Mudane Wasiir Biixi ayaa bogaadiyay kaalinta muhiimka ah ee ay Qurba joogta Soomaaliyeed ku leeyiin horumarinta dhaqaalaha iyo dib-u-dhiska dalka, waxa uuna ku booriyay in ay kaalintooda muhiim ka ee ay uga jiraan dib-u-dhiska Dowladnimada ay sii xoojiyaan.
โIn aan la kulmo maskax maalka iyo dhallinyarada Waqooyiga Ameerika ee ๐ฆ๐ก๐๐๐ฃ๐ waxa ay ahayd Madal xiisa iyo Xogo muhiim ah oo dalka iyo xaaladiisa dhaqaale taabanaysa aan isku dhaafsanay, jawi degana ku soo idlaatay. Waxa aan uga mahadcelinaynayaa in ay soo qabanqaabiyeen munaasabaddaan xiisaha leh, ayna abuureen Madal isku keenta ama kulansiisa Xirfadlayaasha iyo kuwa hal-abuurka leh si ay isagu xirmaan oo u falanqeeyaan arrimaha muhiimka ah bulshadaโ ayuu ku soo koobay hadaljeedintiisii Wasiir Biixi Imaan Gige.