Sunday, August 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Dowlaha Isgaarsiinta oo ka qeygalay shir looga hadlaayo Dhijitaalka oo lagu qabtay Paris 

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
2 years ago
in Wararka
0
Wasiir Dowlaha Isgaarsiinta oo ka qeygalay shir looga hadlaayo Dhijitaalka oo lagu qabtay Paris 
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Cismaan Diiriye,ayaa Magaalada Paris ee Caasimada Wadanka France ugu qeybgalaya Shir looga hadlaayo Arrimaha Dhijitaalka oo lagu qabtay Xarunta Dhexe ee Hey’adda UNESCO.

Munaasabaddan muhiimka ah waxay isu keentay hoggaamiyeyaasha dhijitaalka, kuwa sameeya siyaasadaha, cilmi-baarayaasha, iyo khubaro ka kala yimi daafaha dunida, oo ay ku jiraan wakiillo ka socda hay’adaha Qaramada Midoobay, dowladaha, hay’adaha aan dowliga ahayn, iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamse oo gaaray magaalada Laascaanood

Ra’iisul Wasaare Xamse oo gaaray magaalada Laascaanood

August 2, 2026
Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee dalka Aljeeriya

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee dalka Aljeeriya

August 2, 2026

Wasiiru-dowlaha Axmed Cismaan Diiriye ayaa Intii uu shirku socday, waxa uu la kulmay mas’uuliyiin kala duwan waxa uuna kala hadlay saameynta Garaadka Macmalka ah (Artificial Intelligence) uu ku leeyahay nolosha aadmaha ee xiligan iyo sidii si hufan looga faa’iidaysan lahaa.

Shirkaan, ayaa ka mid ah Shirrarka muhiimka ah ee lagu soo bandhigo Hormarka Dhijitaalka iyo Garaadka macmalka ah, waxaana Dowladda Soomaaliya ay wadaa Shuruucdii lagu hagi lahaa maadaama Teknolojiyada qaar ay dunida ku cusubyihiin.

Previous Post

Guddoomiyaha Shabeellada hoose oo sheegay inay xaliyeen dagaan beeleedyo halkaas ka taagnaa

Next Post

Ra’iisul Wasaare Xamsa “Hal milyan oo Soomaali ah haddii ay nolosha caadiga ah ku soo laabtaan, lagana saaro barakaca waa tallaabo guul ah”.

Next Post
Ra’iisul Wasaare Xamsa “Hal milyan oo Soomaali ah haddii ay nolosha caadiga ah ku soo laabtaan, lagana saaro barakaca waa tallaabo guul ah”.

Ra’iisul Wasaare Xamsa “Hal milyan oo Soomaali ah haddii ay nolosha caadiga ah ku soo laabtaan, lagana saaro barakaca waa tallaabo guul ah”.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo gaaray magaalada Laascaanood

Ra’iisul Wasaare Xamse oo gaaray magaalada Laascaanood

August 2, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafti wasiirro ah ayaa gaaray magaalada Laascaanood ee xarunta dowlad-goboleedka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee dalka Aljeeriya

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee dalka Aljeeriya

August 2, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali (Dhaay), ayaa ka...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo daah-furay Shirka Dardargelinta Istaraatiijiyadda iyo Qorshaha Guddiga Qaran ee Gancsiga

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo daah-furay Shirka Dardargelinta Istaraatiijiyadda iyo Qorshaha Guddiga Qaran ee Gancsiga

August 2, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra'iisul Wasaare ku-xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay Shirka Dardargelinta Istiraatiijiyadda iyo...

Bulshada Soomaaliyeed ee Minnesota oo si weyn uga qayb gashay aaska hobolkii weynaa ee Axmed Cali Cigaal

Bulshada Soomaaliyeed ee Minnesota oo si weyn uga qayb gashay aaska hobolkii weynaa ee Axmed Cali Cigaal

August 2, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa si weyn uga qayb galay aaska loo sameeyay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In