Saturday, June 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Hirshabeelle iyo Guddiga Gurmadka Qaran oo yeeshay kulan muhiim ah

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Hirshabeelle iyo Guddiga Gurmadka Qaran oo yeeshay kulan muhiim ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), iyo Guddiga Gurmadka Qaran oo ay ugu horeyaan Wasiirada Wasaaraddaha, Cafimaadka, Waxbarashada iyo Guddoomiyaha Hey’adda SoDMA ayaa Xarunta NEOC ku qabtay kulan diiradda lagu saaray sidii jawaab soo kabasho looga bixin lahaa khasaaraha ka dhashay dabkii ka kacay suuqa Hanti-wadaag ee magaalada Jowhar.

Kulanka ayaa lagu soo bandhigay warbixinta SoDMA ee xaaladda suuqa ee lagu ogaaday safarkii u kuur galidda ahaa ee Guddoomiyaha Hay’adda ku tagay Jowhar, kaasi oo lagu xusay in dabku baabi’iyay 900 oo goobo ganacsi ah, burburiyay dhaqaale dhan $2 milyan ilaa 2.5 milyan, isla-markaana wax-yeelleeyay hab-nololeedka 5,000 oo qoys.

Related posts

Hoggaamiyaha la doortay ee Koonfur Galbeed oo shir-guddoomiyay kulan looga arrinsanayay amniga

Hoggaamiyaha la doortay ee Koonfur Galbeed oo shir-guddoomiyay kulan looga arrinsanayay amniga

June 13, 2026
Xulka Qaranka Gabdhaha Soomaaliyeed oo markii ugu horreysay taariikhda kulan-ciyaareed rasmi ah ku matalaya Soomaaliya

Xulka Qaranka Gabdhaha Soomaaliyeed oo markii ugu horreysay taariikhda kulan-ciyaareed rasmi ah ku matalaya Soomaaliya

June 13, 2026

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen ayaa Hay’adda SoDMA iyo Guddigu Gurmadka Qaran ku booriyay dedaalka socda ee dadka khasaaruhu gaaray lagu garab istaagayo, Guddiga ayaana ballan-qaaday in si wax-ku-ool ah loo taageeri doono dadka ceyrtoobay ee gacan-qabadka deg-degga ah u baahan.

Previous Post

Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya oo booqasho ku tegay dalka Thailand

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqday xarunta Shirkadda Huawei ee dalka Shiinaha

Next Post
Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqday xarunta Shirkadda Huawei ee dalka Shiinaha

Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqday xarunta Shirkadda Huawei ee dalka Shiinaha

Hoggaamiyaha la doortay ee Koonfur Galbeed oo shir-guddoomiyay kulan looga arrinsanayay amniga

Hoggaamiyaha la doortay ee Koonfur Galbeed oo shir-guddoomiyay kulan looga arrinsanayay amniga

June 13, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Hoggaamiyaha la doortay ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa guddoomiyay shir amni oo lagu...

Xulka Qaranka Gabdhaha Soomaaliyeed oo markii ugu horreysay taariikhda kulan-ciyaareed rasmi ah ku matalaya Soomaaliya

Xulka Qaranka Gabdhaha Soomaaliyeed oo markii ugu horreysay taariikhda kulan-ciyaareed rasmi ah ku matalaya Soomaaliya

June 13, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka Qaranka Gabdhaha Soomaaliya ee da’doodu ka yar tahay 17 sano ayaa galabta sameynaya taariikh cusub, maadaama ay markii...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo shaacisay xilliga la qaban doono Doorashada Guddoonka Goleyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo shaacisay xilliga la qaban doono Doorashada Guddoonka Goleyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir

June 13, 2026
0

  RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa si rasmi ah u shaacisay maalinta la qabanayo...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Jowhar kula kulmay Saraakiisha hay’adaha ammaanka iyo Hoggaanka Dhaqanka Hirshabeelle

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Jowhar kula kulmay Saraakiisha hay’adaha ammaanka iyo Hoggaanka Dhaqanka Hirshabeelle

June 13, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Jowhar ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Hirshabeelle kulamo muhiim ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In