Tuesday, December 2, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya oo booqasho ku tegay dalka Thailand

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
1 year ago
in Wararka
0
Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya oo booqasho ku tegay dalka Thailand
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya oo casuumad ka helay dhigiisa Safiirka boqortooyada dalka Thailand u fadhida dalka Kenya Marwa, Morakot Janemathukorn, ayaa safar shaqo ku tagay dalka Thailand.

Ujeedka Safarkaan uu Danjirahu  ku tagay dalka Thailand ayaa waxaa uu salka ku hayay xoojinta xiriirka labada dal iyo in dowlada Thailand ay u soo bandhigto shacabka Soomaaliyeed adeegyada caafimaad ee casriga ah ee ka jira gudaha dalka Thailand.

Related posts

Safiir Jabriil oo Ka Qaybgalay Xuska Maalinta Isgarab-Istaaga Shacabka Falastiin

Safiir Jabriil oo Ka Qaybgalay Xuska Maalinta Isgarab-Istaaga Shacabka Falastiin

December 2, 2025
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Wafdi ka socday Dowladda UK

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Wafdi ka socday Dowladda UK

December 2, 2025

Shacabka Soomaaliyeed ee  ay la soo darsaan ama ku dhacaan cudurada aan lagu daaweyn karin dalka gudihiisa ayaa caafimaad ka raadsada dalka dibadiisa. Dalka Thailand ayaa noqon kara mid ka mid ah dalalka kala duwan ee u furan muwadiniinta Soomaaliyeed ee u baahan inay helaan adeegyo caafimaad oo tayo leh.

Dajire Jabriil iyo holwadeenno la socday oo marti u ahaa Safaaradda Thailand ee dalka Kenya ayaa sidoo kale waxa ay booqdeen Isbitaalada kala duwan ee ka howlgala dalka Thailand. Sidoo kale Safiirka iyo diblomaasiyiinta la socotay waxa ay safaro ku kala bixiyeen gobolada kala duwan ee dalkaas.

Xiriirka labada dal ee Thailand iyo Soomaaliya ayaa labadii sano ee la soo dhaafay ahaa mid soo kobcaya, iyada oo dalka Thailand dhawaan ay ugu deeqday Soomaaliya kaalmo dhaqaale oo lagu taageerayo dadka ay dhibaatada ka soo gaartay fatahadii wabiyada.

Dowladda Thailand ayaa horay waxa ay deeqo waxbrasho u siin jirtay arday Soomaaliyeed. Sidoo kale Ganacsato Soomaaliyeed ayaa xiriir ganacsi oo tayo leh la lahaa dalka Thailand, iyaga oo ka soo dhoofin jiray dalkaas badeecado kala duwan. Waxaa sidoo kale jira Ganacsato u dhashay dalka Thailand oo ganacsiyo kala duwan kawada dalka Soomaaliya.

Socdaalka Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle ee uu ku tegay dalka Thailand ayaa waxa uu sii xoojinayaa xiriirka labo geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Thailand ka dhexeeya.

Horaanta sanadka soo socda ayaa la filayaa in mas’uuliyiin heer Wasiiro ah oo ka kala socda labada dal ay booqasho kala duwan ku kula bixiyaan labada dal.



Previous Post

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

Next Post

Madaxweynaha Hirshabeelle iyo Guddiga Gurmadka Qaran oo yeeshay kulan muhiim ah

Next Post
Madaxweynaha Hirshabeelle iyo Guddiga Gurmadka Qaran oo yeeshay kulan muhiim ah

Madaxweynaha Hirshabeelle iyo Guddiga Gurmadka Qaran oo yeeshay kulan muhiim ah

Safiir Jabriil oo Ka Qaybgalay Xuska Maalinta Isgarab-Istaaga Shacabka Falastiin

Safiir Jabriil oo Ka Qaybgalay Xuska Maalinta Isgarab-Istaaga Shacabka Falastiin

December 2, 2025
0

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa lagu qabtay xuska Maalinta Caalamiga ah ee Isgarab-Istaaga Shacabka Falastiin, waxaana munaasabadda lagu martigeliyey...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Wafdi ka socday Dowladda UK

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Wafdi ka socday Dowladda UK

December 2, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday dowladda UK oo...

Wasiirka Qoyska oo Muqdisho kusoo dhaweysay Wafdi ka socda Boqortooyada Ingiriiska

Wasiirka Qoyska oo Muqdisho kusoo dhaweysay Wafdi ka socda Boqortooyada Ingiriiska

December 2, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhsuumi ayaa maanta magaalada Muqdisho kusoo dhaweysay Wafdi sare...

G/ Ku-xigeenka koowaad Aqalka Sare oo kormeer ugu tagay Guddiga dib-u-eegista Dastuurka

G/ Ku-xigeenka koowaad Aqalka Sare oo kormeer ugu tagay Guddiga dib-u-eegista Dastuurka

December 2, 2025
0

Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, ayaa maanta kormeeer kooban ugu tagay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In