Friday, November 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo qaabilay Raisedon Zenega

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Guddoomiye Cabdi Xaashi oo qaabilay Raisedon Zenega
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa xafiiskiisa ku qaabilay ku xigeenka wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Mudane Raisedon Zenega iyo Madaxa arrimaha siyaasadda ee UNSOM mudane Rohan Titus.

Guddoomiyaha iyo Ku-xigeenka wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee Dalka, howlaha ballaaran ee horyaalla Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11-aad, dib u eegista Dastuurka KMG ah, shuruucda Doorashada Dalka iyo kaalinta Qaramada Midoobay ay uga garab siin karto howlaha ballaaran ee horyaalla Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Related posts

Madaxweynaha JFS oo ka qayb galay meertada 31-aad ee Shirweynaha Qaramada Midoobay ee Isbeddelka Cimilada

Madaxweynaha JFS oo ka qayb galay meertada 31-aad ee Shirweynaha Qaramada Midoobay ee Isbeddelka Cimilada

November 11, 2026
Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka wada hadlay horumarinta arrimaha Dalxiiska labada dal

Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka wada hadlay horumarinta arrimaha Dalxiiska labada dal

November 11, 2026

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa sheegay in Aqalka Sare BJFS uu u taaganyahay gudashada waajibaadkiisa dastuuriga ah, inuu qaato kaalintiisa isku xirka labada heer dowladeed iyo xal u helidda khilaafaadka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya laguna dhammeeyo waxkasta wada hadal, heshiis iyo afgarad, isla markaana Qaramada Midoobay ay garab ku siiso Aqalka Sare gudashada waajibaadkaas.

 

Previous Post

Wasiirka Cadaaladda oo qaabilay quburo ka socotay Suudaan

Next Post

Madaxda Wasaaradda Warfaafinta oo hortegay guddiga Warfaafinta ee Aqalka Sare

Next Post
Madaxda Wasaaradda Warfaafinta oo hortegay guddiga Warfaafinta ee Aqalka Sare

Madaxda Wasaaradda Warfaafinta oo hortegay guddiga Warfaafinta ee Aqalka Sare

Madaxweynaha JFS oo ka qayb galay meertada 31-aad ee Shirweynaha Qaramada Midoobay ee Isbeddelka Cimilada

Madaxweynaha JFS oo ka qayb galay meertada 31-aad ee Shirweynaha Qaramada Midoobay ee Isbeddelka Cimilada

November 11, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay meertada 31-aad ee Shirweynaha Qaramada Midoobay ee Isbeddelka...

Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka wada hadlay horumarinta arrimaha Dalxiiska labada dal

Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka wada hadlay horumarinta arrimaha Dalxiiska labada dal

November 11, 2026
0

Waxaa maanta xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Shiinaha ka dhacay kulan dhexmaray wafdi ka tirsan Dowladda Soomaaliya iyo...

Hay’adda SoDMA oo agab muhiim ah guddoonsiisay bulshada Beladweyne

Hay’adda SoDMA oo agab muhiim ah guddoonsiisay bulshada Beladweyne

November 9, 2026
0

Hey’adda Maareynta Masiibooyinka ee SoDMA ayaa magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ka Baxisay Agabka aan cunnada aheyn (NFIs ) oo...

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay Munaasabadda Caleema-saarka hoggaanka Hirshabelle

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay Munaasabadda Caleema-saarka hoggaanka Hirshabelle

November 8, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay munaasabadda caleemo-saarka Hoggaamiyaha dib loo doortay ee Dowlad...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In