Thursday, August 14, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
September 19, 2024
in Wararka
0
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddiga joogtada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan ku yeeshay xarunta guddoonka iyo guddiyadda ee Villa Hargeysa, waxaana kulanka shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Kulanka oo uu sidoo kale ka qeyb galay Habdhowraha Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux) ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka waxa uu xubnaha guddiga warbixin kooban ka siiyay howlaha uu Goluhu Qaranka u haayo, sida ay muhiim u tahay ilaalinta guntanka ama kooramka kulamada Golaha iyo sidoo kalena in xildhibaanadda fasax la’aanta ka maqan kulamada Golaha Xeerhoosaadka la marsiiyo.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan wax ku ool ah la yeeshay culimada, ganacsatada iyo masuuliyiinta Bangiyada dalka

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan wax ku ool ah la yeeshay culimada, ganacsatada iyo masuuliyiinta Bangiyada dalka

August 13, 2025
Soomaaliya iyo Kuwait oo kala saxiixday seddex heshiis oo kor u qaadaya xiriirka diblomaasiyadeed

Soomaaliya iyo Kuwait oo kala saxiixday seddex heshiis oo kor u qaadaya xiriirka diblomaasiyadeed

August 13, 2025

Dhinaca kale Guddoommiyaha Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta iyo Laxisaabtanka hay’adaha dowladda ee Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Faarax Nuux ayaa xubnaha guddiga u faahfaahiyay arrimaha miisaaniyadda Qaranka iyo mashaariicda ku jirta.

Intaasi ka dib xubnaha Guddiga Joogtada ayaa ka dooday ajendayaasha kulamada guud ee Golaha, iyaga oo ugu dambeyn ansixiyay ajendayaasha horutebinta u leh kulamada guud ee Golaha todobaadka soo socda.

 

Previous Post

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo qaabbilay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Next Post

Laamaha amaanka oo soo bandhigay hub sharci darro ah iyo raggii ka ganacsanayay

Next Post
Laamaha amaanka oo soo bandhigay hub sharci darro ah iyo raggii ka ganacsanayay

Laamaha amaanka oo soo bandhigay hub sharci darro ah iyo raggii ka ganacsanayay

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan wax ku ool ah la yeeshay culimada, ganacsatada iyo masuuliyiinta Bangiyada dalka

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan wax ku ool ah la yeeshay culimada, ganacsatada iyo masuuliyiinta Bangiyada dalka

August 13, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin, ayaa maanta shir muhiim ah la yeeshay culimo, ganacsato iyo wakiillo...

Soomaaliya iyo Kuwait oo kala saxiixday seddex heshiis oo kor u qaadaya xiriirka diblomaasiyadeed

Soomaaliya iyo Kuwait oo kala saxiixday seddex heshiis oo kor u qaadaya xiriirka diblomaasiyadeed

August 13, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Kuwait, ayaa maanta...

Wasiirka Warfaafinta XFS  oo la kulmay Wakiilka cusub ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS  oo la kulmay Wakiilka cusub ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya

August 13, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka cusub ee Guddoomiyaha Guddiga Sare...

Madaxweynaha JFS oo amray in ciidamadii ka tallaabay xuduudda ay dib ugu soo laabtaan dalka

Madaxweynaha JFS oo amray in ciidamadii ka tallaabay xuduudda ay dib ugu soo laabtaan dalka

August 13, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyadeeyay dadkii ku geeriyooday dagaalkii dhawaan ka dhacay gobolka Gedo,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In