Tuesday, May 20, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Muhiimadda Gacanka Cadmeed (WARBIXIN)

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
September 21, 2024
in Wararka
0
waa kuma Suxufiga dhabta ah?
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mhiimadda Gacanka Cadan muxuu yahay? Gacanka Cadan waxaa wadaaga seddex dal, jabuuti dhanka Bari, Yemen dhanka waqooyi iyo Soomaaliya dhanka koonfur. Gacanka Cadan ama Gulf of Aden dhirirkiisu waa 900km, balaciisana waa 500 km.

 

Related posts

GOLAHA SHACABKA OO AKHRINTA KOOWAAD MARSIIYAY AXDIGA AFRIKA EE XUQUUQDA IYO BARAARAHA CARUURTA IYO HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH.

GOLAHA SHACABKA OO AKHRINTA KOOWAAD MARSIIYAY AXDIGA AFRIKA EE XUQUUQDA IYO BARAARAHA CARUURTA IYO HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH.

May 19, 2025
Wasiirka Cadaaladda oo Golaha Shacabka horgeeyay Hindise Sharciyeedka Iskaashiga Garsoorka Caalamiga ah

Wasiirka Cadaaladda oo Golaha Shacabka horgeeyay Hindise Sharciyeedka Iskaashiga Garsoorka Caalamiga ah

May 19, 2025

Gacanka Cadmeed wuxuu ku yaalaa Badwaynta Hindiya (Indian Ocean) wuxuna isku xiraa Badda Carbeed (Arabian Sea iyo Badda Cas (Red Sea). Gacanka Cadan wuxuu Soomaaliya ka maraa magaalooyin badan sida Lughaye, Saylac, Barbara, Ceergabo, Bosaaso iyo deegaan kale oo Soomaaliya ah.

 

Magaaloyinka uu maro gacanka Caden ama Gulf Aden ee Soomaaliya waxay ku yaalaan Gobolada Puntland iyo Soomaaliland, hadana ma jiraan ciidan badeed oo ay Soomaaliya leedahey oo jooga gacankaas, ciidanka jooga waa kuwa wadamada reer galbeedka sida Yurub,Mareykanka, Japan iyo wadamo kale.

 

Qorshaha ciidan badeed ee Itoobiyo ee gacanka Cadan ama Gulf of Aden. Itoobiya ma qarsan hadafka ay ka leedahey is afgaradka ay la sixiixatay Muuse Biixi waxey sheegtey labo hadaf in ay yihiin.

 

Itoobiya sanadihii ugu danbeeyey waxey xooga saartey siday u gaari laheyd hadafkeeda waxayna qaadey taloobiyin, kaasi oo ugu dambeeyay Is afgaradka ay la saxiixtey Muuse Biixi waa talaabdii ugu dambeysey ay ku gaari laheyd hadafkeedii.

 

Gacanka Cadan, Gulf Aden wuxuu isku xiraa:-

 

Badda Carbeed (Arbian sea) iyo Badda Cas (Red sea) waana waddad ay maraan markiibta shidaalka iyo gaaska u sida yurub iyo North America.

Shiinaha oo ah Warshadii Aduunka, qalabka lugu suubiyo ee u socdo Yurub iyo North America iyguna waxay maraan marinka gacanka Cadan.

Gacanka Cadan, Gulf Aden wuxuu muhiim yahey qowdaha ugu xooga weyn aduunka waana tan keentey in maanta ay ku sugan yihiin ciidan badeed wadamo badan ay leeyihiin Jabuuti waxaa degan ciidamo badan oo badda ah oo ah kuwo isku hayo hogaaminta aduunka.

 

Ergeyga Gaarka ah ee Dalka Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika Ambassador, Mike Hammer, ayaa digniin culus u jeediyay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, isagoo ku sugan Addis Ababa, isagoo caddeeyay in madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya ay yihiin “waxaan gor-gortan galaynin”. Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo Itoobiya ay wajaheyso xaalad daciif ah oo gobolka ah, iyadoo Ergeyga Gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika Mike Hammer uu si cad u sheegay in aan loo dulqaadan doonin ficil kasta oo wax u dhimaya midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

 

Ergaygu dhulka ayuu la gooyay taliska Addis Ababa damacii waalida ahaa ee kornayl Abiyi Ahmed reer galbeedkii ay ku laadeen damaca qar iska tuur namada ahaa ee kuu ku kacay kuna soo dhamaaday fashilka.

 

Dowladaha Mareykanka iyo Masar ayaa taageeray madax-banaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyagoo ka soo horjeestay damaca guracan ee dowladda Itoobiya.

 

“Mareykanka iyo Masar waxa ay ka soo horjeedaan xadgudubka iyo damaca dhuleed ee Itoobiya,” ayaa lagu yiri qeyb ka mid ah shir jaraa’id ay si wadajir ah magaalada Qaahira ay ugu qabteen Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Badr Abdelatty iyo xoghaya arrimaha dibadda Mareykanka Antony J. Blinken.

 

Dhinaca kale Wasiirka arrimaha dibadda Masar ayaa dhawaan la kulmay Madaxwaynaha Eritrea, iyagoo ka wada hadlay Arimaha gobalka iyo sidii lo ilaalin lahaa madax-banaanida Somaalia iyo waliba sidii iskaashi looga yeelan lahaa arimaha gobalka, sido kalena waxay ka wada hadleen Arimaha Soomaaliya iyo Suudaan, iyago isla qiray sidii lo dhawri lahaa madax-banaanida Soomaaliya.

 

Xaalka Geeska Africa ayaa ka sii dartay Mar kale ayaa Masar waxay qaadatay talaabo adag, waxaana socda Xulafo ka dhan ah Ethiopia, iyadoo Geeska Africa ay deganaasho la,aan ah tan iyo Markii ay Ethiopia ku xadgudabtay Madax banaanida Soomaaliya.

 

Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka digtay in Itoobiya ay wado tallaabooyin khatar ku ah madax-bannaanida Soomaaliya, iyadoo sheegtay in haddii Itoobiya ay dhaqangeliso is afgaradkii ay la gaartay Muuse Biixi, ay Soomaaliya u aqoonsan doonto dagaal lagu soo qaadey dalkeeda. Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda, Cali Balcad, oo la hadlay Al-Jazeera, ayaa caddeeyey in Soomaaliya diyaar u tahay inay difaacdo dalkooda, islamarkaana ay qaadi doonto tallaabooyin adag.

 

Cali Balcad ayaa sidoo kale tilmaamay in Soomaaliya ay haysato ciidan iyo awood ku filan oo ay ku difaaci karto madax-bannaanideeda, inkastoo uu beeniyay in ciidanka Masar ay hadda joogaan Soomaaliya. Si kastaba, wuxuu xusay in ay sugayaan in ciidanka Masar ay dhawaan yimaadaan, si ay uga qayb qaataan sugidda amniga gudaha iyo difaaca qaranka.

 

Soomaaliya ayaa caddeysay in Masar ay dhawaan Muqdisho keentay saanad milateri oo loogu talagalay la dagaalanka Argagixisada iyo cid kasta oo ku xadgudubta madax-bannaanida Soomaaliya. Wasiiru dowlaha ayaa sidoo kale sheegay in Masar loo ogolaaday inay ciidankooda ku difaacaan Soomaaliya gudaha dalka.

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa isna waxa uu dul istaagay Faragelinta Itoobiya ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay ku heyso, waxa uu tilmaamay in haddii aysan ka baaqsan ay jawaab ku haboon ka qaadan doonto, Soomaaliya ayuu sheegay Wasiir Axmed Fiqi in ay weli tartiibineyso xaaladda maadaama rajo ay ka qabto in arrinta la xaliyo balse haddii lagu guuldareysto Dowladda Federaalka ay sameyn doonto tallaabooyin kala duwan sida uu hadalka u dhigay.

 

Dowladda Turkiye oo shaaca ka qaadday in qaab cusub lagu wajihi doono wada-hadalka Soomaaliya iyo Itoobiya, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dalka Turkiye Hakam Fidan oo Wareysi siiyey Wakaaladda Wararka ee Anadolu ayaa shaaca ka qaaday in dalkiisu uu qaab cusub ku abbaari doono wada-hadalka Soomaaliya iyo Itoobiya, kaasi oo markii Seddexaad lagu ballansan yahay Ankara.

 

Wasiir Fidan ayaa muujiyey in uu rajo weyn ka qabo in heshiis rasmi ah ay labada dal gaaraan, kaasi oo meesha ka saaraya damaca Itoobiya. Dowladdda Federaalka ee Soomaaaliya ayaa mar sii horeysay shaaca ka qaadday in heshiiiskii Itooobiya lagashay Soomaaliland uu ahaa mid sharci darro ah oo ku xadgudbaya midnimada iyo madax-banaanida Dalka.

 

By. C/lahi Ruush

Previous Post

Ciidanka Xoogga oo hawlgal ka fuliyey deegaano hoos taga Xuddur

Next Post

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo kormeeray Dugsiga Turkish Maarif

Next Post
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo kormeeray Dugsiga Turkish Maarif

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo kormeeray Dugsiga Turkish Maarif

GOLAHA SHACABKA OO AKHRINTA KOOWAAD MARSIIYAY AXDIGA AFRIKA EE XUQUUQDA IYO BARAARAHA CARUURTA IYO HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH.

GOLAHA SHACABKA OO AKHRINTA KOOWAAD MARSIIYAY AXDIGA AFRIKA EE XUQUUQDA IYO BARAARAHA CARUURTA IYO HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH.

May 19, 2025
0

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga lixaad kulankiisa 14-aad, waxaana shir...

Wasiirka Cadaaladda oo Golaha Shacabka horgeeyay Hindise Sharciyeedka Iskaashiga Garsoorka Caalamiga ah

Wasiirka Cadaaladda oo Golaha Shacabka horgeeyay Hindise Sharciyeedka Iskaashiga Garsoorka Caalamiga ah

May 19, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Dastuurka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Macallin Maxamuud, ayaa maanta Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka...

Taliyaha NISA iyo Mas’uuliyiin kale oo gaaray degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan

Taliyaha NISA iyo Mas’uuliyiin kale oo gaaray degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan

May 19, 2025
0

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo ay wehliyaan Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Buraale...

Ra’iisul Wasaare Xamsa “Doorasho dadban waxa ay dan u tahay, qof aan ka shaqeyneyn danta dadka iyo dalka Soomaaliyeed.”

Ra’iisul Wasaare Xamsa “Doorasho dadban waxa ay dan u tahay, qof aan ka shaqeyneyn danta dadka iyo dalka Soomaaliyeed.”

May 19, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka hadlay arrimaha doorashooyinka dalka, isagoo si gaar ah u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In