Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo saraakiisha Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa maanta kuliyadda tababarrada Ciidamada Soomaaliya ee TurkiSom ee magaalada Muqdisho uga qeybgalay xaflad lagu dhaariyey saraakiil loo diyaariyey Leyli-Sarkaal iyo Furitaanka Sanad Dugsiyeedka 2024/2025.
“Waxaa naga go’an dhismaha ciidan tayo iyo tababar wanaagsan leh, kuna filan difaaca Diinta, Dadka iyo Dalka,” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur.