Tuesday, July 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Midowga Yurub oo Soomaaliya u balan-qaaday Sagaal Milyan oo Yuuro oo ah

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
September 30, 2024
in Wararka
0
Midowga Yurub oo Soomaaliya u balan-qaaday Sagaal Milyan oo Yuuro oo ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa shir muhiim ah waxa uu la qaatay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Ms. Karin Johansson iyo xubno ka tirsan Xafiiskeeda, iyada oo kulanka diiradda lagu saaray arrimo badan oo ay ka mid yihiin hannaanka dib-u-habeynta iyo horumarinta Maaliyadda guud ee dalka iyo taageerada Midowga Yurub ee Dowladda Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa intii uu socday shirka waxa uu warbixin guud ka bixiyay dadaalada Dowladda ee ah in la horumariyo dhaqaalaha dalka iyo sare u qaadidda dakhliga gudaha oo Wasaaradda Maaliyaddu ay dadaal iyo juhdi dheeri ah galisay, si looga mira-dhaliyo.

Related posts

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025

Sidoo kale Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa si diiran u soo dhaweysay Warbixinta Wasiirka Maaliyadda XFS ee horumarka Dowladdu ku talaabsatay dhinaca hagaajinta hannaanka Maamulka Maaliyadda iyo hufnaanta dhaqaalaha Dalka.

Ms. Karin Johansson, Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday intii uu kulanku socday in Midowga Yurub ay bixinayaan lacag dhan Sagaal Milyan oo Yuuro oo ah kabka miisaaniyadda Dowadda, lacagtaas oo ay Midowga Yurub ugu talagaleen in Dowladdu wax uga qabato.

1- Horumarinta Dakhliga iyo sare u qaadiddiisa.

2- Faderaaleynta Hanaanka Maaliyadda Dalka iyo

3- Horumarinta Waxbarashada loo dhanyahay.

Wasiirka Maaliyadda Mudane Biixi Imaan Cige ayaa mahadcelin kadib, waxa uu sheegay in taageerada Midowga Yurub ay tahay mid muhiim u ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ay Dowladdu ku fulin doonto qorsheyaal horumarineed oo aad qiimo ugu lahaan doona hannaan ka dib-u-habeynta dhaqaalaha Dalka.

Midowga Yurub waxa ay ka mid yihiin saaxiibada joogtada ah ee Dowladda Soomaaliya marxalado badan ku soo garab istaagay, sidoo kale waxa ay qeyb muhiim ah ka soo qaateen in Dowladdu gaarto hannaankii HIPC ee barnaamijkii deyn cafinta Soomaaliya ee soo gaba-gaboobay dabayaaqadii 2023-kii.

 

 

Previous Post

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan aaladda fogaan aragga ah kula yeeshay dhigiisa dalka Turkiga

Next Post

Wasiirka Gaashaandhigga oo ka qeybgalay xaflad lagu dhaarinayay askar

Next Post
Wasiirka Gaashaandhigga oo ka qeybgalay xaflad lagu dhaarinayay askar

Wasiirka Gaashaandhigga oo ka qeybgalay xaflad lagu dhaarinayay askar

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
0

Danjiraha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya u fadhiya Dalka Algeria Danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego) ayaa maanta Kulan muhiim ah...

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Cali Yuusuf Cali-Xoosh, Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad ee Aqalka Sare Senator C/laahi...

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

July 15, 2025
0

Guddiga Amniga iyo Difaaca Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo qabanqaabiyay tababar loogu talagalay xoojinta fahamka guud...

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

July 15, 2025
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi, Taliyaha Ciidanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In