Friday, December 26, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka oo soo xiray shirka Bangiyada dalka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
1 year ago
in Wararka
0
Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka oo soo xiray shirka Bangiyada dalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ku simaha Ra’iisal Wasaaraha ahna Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta soo xiray shirka Sanadlaha ah ee Midowga Bangiyada dalka oo shalay ka furmay magaalada Muqdisho.

Shirka sanadkan oo lagu falanqeeyay mowduuca muhiimka ah ee “Furida Sohdimaha Curdunka ah ee Maaliyadda Soomaaliya,” ayaa inta uu socday lagu soo bandhigay cilmi-baarisyo muhiim ah oo ku saabsan horumarka bangiyada dalka, fursadaha kobcinta dhaqaalaha iyo caqabadaha horyaalla nidaamka maaliyadeed.

Related posts

Marwada Madaxweynaha JFS oo ka codkeeda ka dhiibatay D.dharkiinleey.

Marwada Madaxweynaha JFS oo ka codkeeda ka dhiibatay D.dharkiinleey.

December 25, 2025
Madaxweynaha JFS oo codkiisa ka dhiibtay doorashada Golaha Deegaanka gobolka Banaadir

Madaxweynaha JFS oo codkiisa ka dhiibtay doorashada Golaha Deegaanka gobolka Banaadir

December 25, 2025

Sidoo kale, shirka ayaa diiradda lagu saaray horumarinta dhaqaalaha, kobcinta kaabayaasha dhaqaale ee dalka, iyo wada shaqeynta dowladda iyo ganacsatada bangiyada, iyadoo la raadinayo xalal lagu sii xoojin karo nidaamka maaliyadeed ee Soomaaliya.

Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa khudbadiisa ku bogaadiyay bangiyada dalka, isagoo ku ammaanay doorka muhiimka ah ee ay ka ciyaareen adeegyadooda shaqo iyo fursadaha ay siiyeen shacabka Soomaaliyeed. Wuxuu carabka ku adkeeyay in dowladda Soomaaliya ay guulo waaweyn ka gaartay horumarinta nidaamka maaliyadeed ee dalka, taas oo ka dhalatay wada shaqeyn dhow oo dhex martay dowladda iyo ganacsatada.

Ra’iisal Wasaare Ku-xigeenka ayaa intaa ku daray in dowladda ay sii laba jibaarayso taageerada iyo wada shaqeynta bangiyada dalka si loo horumariyo dhaqaalaha iyo hannaanka Maaliyadeed ee Soomaaliya


Previous Post

Wasiirka Gaashaandhigga oo ka qeybgalay xaflad lagu dhaarinayay askar

Next Post

Turkiga oo Soomaaliya u soo diray Markab sida mucaawino

Next Post
Turkiga oo Soomaaliya u soo diray Markab sida mucaawino

Turkiga oo Soomaaliya u soo diray Markab sida mucaawino

Marwada Madaxweynaha JFS oo ka codkeeda ka dhiibatay D.dharkiinleey.

Marwada Madaxweynaha JFS oo ka codkeeda ka dhiibatay D.dharkiinleey.

December 25, 2025
0

Muqdisho, Diseembar, 25, 2025; Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sahro Cumar Xasan ayaa maanta codkeeda ka dhiibatay Seejada Xarunta...

Madaxweynaha JFS oo codkiisa ka dhiibtay doorashada Golaha Deegaanka gobolka Banaadir

Madaxweynaha JFS oo codkiisa ka dhiibtay doorashada Golaha Deegaanka gobolka Banaadir

December 25, 2025
0

Muqdisho, Diseembar 25, 2025; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehelinayso Marwada Koowaad ee dalka Marwo...

Safiirka Soomaaliya ee Uganda oo shacabka Gobolka Banaadir ugu hambalyeeysay Doorashada.

Safiirka Soomaaliya ee Uganda oo shacabka Gobolka Banaadir ugu hambalyeeysay Doorashada.

December 25, 2025
0

Danjire Fardowsa Maxamed Qanyare Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Uganda oo ku hadlaysa magaca dhammaan diblumaasiyiinta safaaradda iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka codeeyey Degmada Warta Nabadda ee Gobolka Banaadir.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka codeeyey Degmada Warta Nabadda ee Gobolka Banaadir.

December 25, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah uga dhiibtay codkiisa doorashada Golaha Deegaanka ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In