Sunday, March 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka oo soo xiray shirka Bangiyada dalka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
1 year ago
in Wararka
0
Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka oo soo xiray shirka Bangiyada dalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ku simaha Ra’iisal Wasaaraha ahna Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta soo xiray shirka Sanadlaha ah ee Midowga Bangiyada dalka oo shalay ka furmay magaalada Muqdisho.

Shirka sanadkan oo lagu falanqeeyay mowduuca muhiimka ah ee “Furida Sohdimaha Curdunka ah ee Maaliyadda Soomaaliya,” ayaa inta uu socday lagu soo bandhigay cilmi-baarisyo muhiim ah oo ku saabsan horumarka bangiyada dalka, fursadaha kobcinta dhaqaalaha iyo caqabadaha horyaalla nidaamka maaliyadeed.

Related posts

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka qayb galay Shirka Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka qayb galay Shirka Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya

March 29, 2026
Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA) oo shaaciyay liiska horjoogayaal lagu dilay hawlgalladii u dambeeyay

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA) oo shaaciyay liiska horjoogayaal lagu dilay hawlgalladii u dambeeyay

March 29, 2026

Sidoo kale, shirka ayaa diiradda lagu saaray horumarinta dhaqaalaha, kobcinta kaabayaasha dhaqaale ee dalka, iyo wada shaqeynta dowladda iyo ganacsatada bangiyada, iyadoo la raadinayo xalal lagu sii xoojin karo nidaamka maaliyadeed ee Soomaaliya.

Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa khudbadiisa ku bogaadiyay bangiyada dalka, isagoo ku ammaanay doorka muhiimka ah ee ay ka ciyaareen adeegyadooda shaqo iyo fursadaha ay siiyeen shacabka Soomaaliyeed. Wuxuu carabka ku adkeeyay in dowladda Soomaaliya ay guulo waaweyn ka gaartay horumarinta nidaamka maaliyadeed ee dalka, taas oo ka dhalatay wada shaqeyn dhow oo dhex martay dowladda iyo ganacsatada.

Ra’iisal Wasaare Ku-xigeenka ayaa intaa ku daray in dowladda ay sii laba jibaarayso taageerada iyo wada shaqeynta bangiyada dalka si loo horumariyo dhaqaalaha iyo hannaanka Maaliyadeed ee Soomaaliya

Previous Post

Wasiirka Gaashaandhigga oo ka qeybgalay xaflad lagu dhaarinayay askar

Next Post

Turkiga oo Soomaaliya u soo diray Markab sida mucaawino

Next Post
Turkiga oo Soomaaliya u soo diray Markab sida mucaawino

Turkiga oo Soomaaliya u soo diray Markab sida mucaawino

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka qayb galay Shirka Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka qayb galay Shirka Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya

March 29, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa ka qabgalay furitaanka Shirka Arrimaha Bini’aadannimada Soomaaliya (CHF) oo...

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA) oo shaaciyay liiska horjoogayaal lagu dilay hawlgalladii u dambeeyay

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA) oo shaaciyay liiska horjoogayaal lagu dilay hawlgalladii u dambeeyay

March 29, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Liiska horjoogeyaasha Khawaarijta ee lagu dilay howlgalladii ay fuliyeen Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA) iyo saaxiibada...

Soomaaliya oo Ka Qayb Gashay Shirkii 11-aad Ee OACPS Ee Equatorial Guinea

Soomaaliya oo Ka Qayb Gashay Shirkii 11-aad Ee OACPS Ee Equatorial Guinea

March 29, 2026
0

RADIO MUQDISHO(Equatorial Guinea):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdisalam Ali , ayaa magaalada Malabo...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka hadlay warar been abuur ah oo lagu faafiyay baraha bulshada

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka hadlay warar been abuur ah oo lagu faafiyay baraha bulshada

March 29, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa uu si cad u cadeynayaa in uusan jirin wax...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In