Tuesday, December 16, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xildhibaannada gobolka Minnesota oo soo dhaweyn u sameeyyay Wasiir Cabdiraxmaan Al-Cadaala

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
1 year ago
in Wararka
0
Xildhibaannada gobolka Minnesota oo soo dhaweyn u sameeyyay Wasiir Cabdiraxmaan Al-Cadaala
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xildhibaannada laga soo doortay gobolka Minnesota ayaa xarunta maamulka gobolka Minnesota si diirran ugu soo dhoweeyey Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo safar shaqo ku jooga dalka Mareykanka.

Xildhibaan Maxamuud Nuur, Xildhibaan Hodan Xasan, Xildhibaan Samakaab Xuseen iyo hoggaamiyaasha bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Minnesota ayaa ka qeyb qaatay soo dhoweynta Wasiir Cabdiraxmaan Al-Cadaala, waxayna uga mahadceliyeen booqashadiisa iyo dadaallada ay dalka ka wado dowladda Soomaaliya.

Related posts

Guddiga Dib-u-eegista Dastuurka oo Kulan Latashi la yeeshay Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS”

Guddiga Dib-u-eegista Dastuurka oo Kulan Latashi la yeeshay Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS”

December 16, 2025
Wasiirka Caafimaadka oo Furay Ololaha Tallaalka Cudurka Gowracatada

Wasiirka Caafimaadka oo Furay Ololaha Tallaalka Cudurka Gowracatada

December 16, 2025

Xildhibaannada ayaa Wasiirka uga warbixiyey hormarada ay gaareen Soomaalida ku nool dalka Mareykanka, gaar ahaan gobolka laga soo doortay ee Minnesota, waxaana kulanka Xildhibaannada iyo Wasiirka goobjoog ahaa Xoghayaha guud ee Safaaradda Soomaaliya ee dalka Mareykanka Abuukar Goley.

Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa Xildhibaannada iyo hoggaamiyaasha bulshada Soomaalida ee gobolka Minnesota uga warbixiyey xaaladda guud ee dalka iyo dadaallada ay wado dowladda Soomaaliya ee dalka ka socda, isagoo masuuliyiintaan ka tirsan Soomaalida ku biirtay dowladda Mareykanka ku amaanay dadaalkooda iyo sida Soomaalidu ay ilbax u yihiin oo wax ula qabsadaan shucuubta caalamka.

 

Previous Post

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Miisaaniyadda Dowladda ee 2025

Next Post

Ciidamada Qalabka Sida oo mar kale Khawaarijta jab culus ku gaarsiiyay Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe

Next Post
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Ciidamada Qalabka Sida oo mar kale Khawaarijta jab culus ku gaarsiiyay Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe

Guddiga Dib-u-eegista Dastuurka oo Kulan Latashi la yeeshay Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS”

Guddiga Dib-u-eegista Dastuurka oo Kulan Latashi la yeeshay Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS”

December 16, 2025
0

Guddiga Madaxa banaan ee Dib- u- eegista Dastuurka ayaa Kulan Latashi hordhac ah oo ku saabsan Cutubka Maaliyadda oo la...

Wasiirka Caafimaadka oo Furay Ololaha Tallaalka Cudurka Gowracatada

Wasiirka Caafimaadka oo Furay Ololaha Tallaalka Cudurka Gowracatada

December 16, 2025
0

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan iyo gudoomiye ku xigeenka arimaha bulshada maamulka...

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo kormeer shaqo ku tegay degaanno dhaca jiinka Webiga Shabeelle

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo kormeer shaqo ku tegay degaanno dhaca jiinka Webiga Shabeelle

December 16, 2025
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar (Gen. Khaalid), ayaa kormeer shaqo ku tegay deegaanno...

Wasiir Ku-xigeenka Ganacsiga oo ka qaybgalay Madasha Heshiiska Xorta ah ee Qaaradda Afrika

Wasiir Ku-xigeenka Ganacsiga oo ka qaybgalay Madasha Heshiiska Xorta ah ee Qaaradda Afrika

December 16, 2025
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Axmed Cabdullahi (Abukaate), ayaa ka qaybgalay shirkii labaad...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In