Thursday, March 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xildhibaannada gobolka Minnesota oo soo dhaweyn u sameeyyay Wasiir Cabdiraxmaan Al-Cadaala

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
1 year ago
in Wararka
0
Xildhibaannada gobolka Minnesota oo soo dhaweyn u sameeyyay Wasiir Cabdiraxmaan Al-Cadaala
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xildhibaannada laga soo doortay gobolka Minnesota ayaa xarunta maamulka gobolka Minnesota si diirran ugu soo dhoweeyey Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo safar shaqo ku jooga dalka Mareykanka.

Xildhibaan Maxamuud Nuur, Xildhibaan Hodan Xasan, Xildhibaan Samakaab Xuseen iyo hoggaamiyaasha bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Minnesota ayaa ka qeyb qaatay soo dhoweynta Wasiir Cabdiraxmaan Al-Cadaala, waxayna uga mahadceliyeen booqashadiisa iyo dadaallada ay dalka ka wado dowladda Soomaaliya.

Related posts

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

March 18, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo soo bandhigay istaraatijiyadda Hay’adda ee 2026-ka

Guddoomiyaha SoDMA oo soo bandhigay istaraatijiyadda Hay’adda ee 2026-ka

March 18, 2026

Xildhibaannada ayaa Wasiirka uga warbixiyey hormarada ay gaareen Soomaalida ku nool dalka Mareykanka, gaar ahaan gobolka laga soo doortay ee Minnesota, waxaana kulanka Xildhibaannada iyo Wasiirka goobjoog ahaa Xoghayaha guud ee Safaaradda Soomaaliya ee dalka Mareykanka Abuukar Goley.

Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa Xildhibaannada iyo hoggaamiyaasha bulshada Soomaalida ee gobolka Minnesota uga warbixiyey xaaladda guud ee dalka iyo dadaallada ay wado dowladda Soomaaliya ee dalka ka socda, isagoo masuuliyiintaan ka tirsan Soomaalida ku biirtay dowladda Mareykanka ku amaanay dadaalkooda iyo sida Soomaalidu ay ilbax u yihiin oo wax ula qabsadaan shucuubta caalamka.

Previous Post

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Miisaaniyadda Dowladda ee 2025

Next Post

Ciidamada Qalabka Sida oo mar kale Khawaarijta jab culus ku gaarsiiyay Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe

Next Post
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Ciidamada Qalabka Sida oo mar kale Khawaarijta jab culus ku gaarsiiyay Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

March 18, 2026
0

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada, iyadoo kaashaneysa Hay’adda Al-Mahasin Foundation, ayaa maanta si rasmi ah u soo...

Guddoomiyaha SoDMA oo soo bandhigay istaraatijiyadda Hay’adda ee 2026-ka

Guddoomiyaha SoDMA oo soo bandhigay istaraatijiyadda Hay’adda ee 2026-ka

March 18, 2026
0

Gudoomiyaha Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa soo bandhigay qeyb ka mid ah istiraatiijiyadda cusub ee...

Hay’adda SoDMA oo deeq gargaar ah ugu qeybisay Baydhabo qoysas danyar ah

Hay’adda SoDMA oo deeq gargaar ah ugu qeybisay Baydhabo qoysas danyar ah

March 18, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA, iyo Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa maalintii labaad magaalada...

DfS oo war kasoo saartay arrinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya

DfS oo war kasoo saartay arrinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya

March 18, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS), waxay si dhow ula socotaa xaaladaha ka soo cusboonaaday...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In