Tuesday, October 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Wafdi ka socday Hay’adaha Turkiga

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Wafdi ka socday Hay’adaha Turkiga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda SoDMA ku soo dhaweeyay wafdi ka socday hay’adaha Turkiga ee AFAD, KIZILAY, TIKA, IHH iyo DIYANET oo uu hoggaaminayay Mudane Kubilay Ozyurt oo ah Madaxa Isgaarsiinta AFAD.

Guddoomiyaha ayaa wafdiga ku soo wareejiyay xafiisyada xarunta iyo qaar ka mid ah bakhaarrada lagu keydiyo raashinka, ka hor inta aan wafdiga loo galbin Xarunta Howl-gallada ee NEOC, halkaasoo uu ka dhacay kulan diiradda lagu saaray warbixinta guud ee Hay’adda, xoojinta ka jawaabidda xaaladda deg-degga ah, taageerada lama-huraanka ah iyo sare u qaadista tayada, karaanka iyo aqoonta howl-wadeennada SoDMA.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026

Guddoomiyaha hay’adda Maxamuud Macallin oo si weyn uga mahad-celiyay booqashada ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay taageerada Dowladda iyo Hay’adaha Turkiga ee ku aaddan gargaarka deg-degga ah, sida; bixinta raashinka, agabyada laga sameeyo guryaha, taageerada caafimaadka, tababarrada lagu dhisayo kartida shaqaalaha, agabka kor loogu qaadayo awoodaha hawlgelinta iyo guud ahaan ka dhabeynta hindisayaasha wadajirka ah ee loogu tala galay dadka nugul.

Mudane Kubilay Ozyurt oo dhankiisa ka mahad-celiyay soo dhaweynta ayaa xusay xiriirka soo jireenka ah iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dowladood ee Turkiga iyo Soomaaliya, isagoo ballan-qaaday in AFAD oo mas’uul ka ah arrimaha Maareynta Musiibooyinka ee dalkaas iyo hay’adaha kalaba sii xoojin doonaan wada-shaqeynta ay la leeyihiin SoDMA.

Previous Post

Xukuumadda DanQaran oo soo bandhigtay Qoraalka Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee 2025-2029

Next Post

War saxaafadeed: Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

Next Post
Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay qado sharaf uu Ra’isul Wasaaraha sameeyay

War saxaafadeed: Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In