Tuesday, February 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Maaliyadda oo kulan doceedyo la qaatay mas’uuliyiin Bangiga Adduunka ah

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
1 year ago
in Wararka
0
Wasiirka Maaliyadda oo kulan doceedyo la qaatay mas’uuliyiin Bangiga Adduunka ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige oo hoggaaminaya wafdiga dowladda Soomaaliya ku matalaya shirka sanad laha ah ee Bangiga Adduunka iyo IMF oo ay ka soo qayb galayaan in ka badan Boqol dal ayaa ka hor furitaanka guud ee shirka waxa ay kulamo gaar gaar ah la qaateen madaxda Bangiga iyo IMF, si looga gungaaro natiijada iyo geediga horumarinta dhaqaalaha dalka.

Wafdiga uu hogaaminayay Wasiir Biixi ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay Madaxweyne ku-xigeenka Bangiga Adduunka ee dalalka Koofurta iyo Bariga Afrika Marwo Victoria Kwakwa, Kulanka ayaana diiradda lagu saaray arrimaha muhiimka ah ee iskaashiga, oo ay ku jirto qorshaha dib-u-cusbooneysiinta Barnaamijka Horumarinta Caalamiga ah (IDA), dib-u-habaynta koboca dhaqaalaha iyo abuurista shaqooyin muhiim u ah bulshada Soomaaliyeed.

Related posts

Wasiirka Caafimaadka XFS oo ka qeybgalay shirka Guddiga Fulinta ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka

Wasiirka Caafimaadka XFS oo ka qeybgalay shirka Guddiga Fulinta ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka

February 2, 2026
MCC oo ku guuleysatay Koobka Jeneraal Daa’uud

MCC oo ku guuleysatay Koobka Jeneraal Daa’uud

February 2, 2026

Kulan kale oo muhiim u ahaa horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya ayey wafdigu la qaateen Mudane Jihad Azour oo ah Agaasimaha Waaxda Bariga dhexe iyo Dalalka Bartamaha Asia, kaae oo si gaar ah loogu lafa guray hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda Soomaaliya oo hada meel wanaagsan maraya, kadib deyn cafintii iyo qorshaha Istaraatiijiga ah ee kobcinta dhaqaalaha Soomaaliya oo IMF ay door weyn ku leedahay, kulanka labada dhinac ayaana kusoo dhamaaday guul iyo is-afgarad.

Shirka sanad laha ah ee IMF iyo Bangiga Adduunka ee 2024 oo sanadkan lagu qabanayo magaalada Washington DC, oo socon doona muddo toddobaad ah ayaa la filayaa marka laga tago kulamada guud ee loo dhanyahay in Wafdiga dowladda Soomaaliya ay yeelan doonaan kulamo docoodyo lagu hormarinayo xiriirada dalalka iyo hey’adaha dhaqaalaha caalamiga ah, kuwaas saldhig u noqon doona horumarinta tiirka Dhaqaalaha Soomaaliya.

Previous Post

Shirka Madatasha Maayarada Galmudug oo meel fiican maraya

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa Dalka Kenya

Next Post
Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa Dalka Kenya

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa Dalka Kenya

Wasiirka Caafimaadka XFS oo ka qeybgalay shirka Guddiga Fulinta ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka

Wasiirka Caafimaadka XFS oo ka qeybgalay shirka Guddiga Fulinta ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka

February 2, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee JFS, Dr Cali Xaaji Aadam Abubakar iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qayb...

MCC oo ku guuleysatay Koobka Jeneraal Daa’uud

MCC oo ku guuleysatay Koobka Jeneraal Daa’uud

February 2, 2026
0

Kulankii finalka ee Koobka Jeneraal Daa'uud ayaa galabta lagi soo gabagabeeyay Tuulada Cayaaraha ee Muqdisho, halkaasi oo ay u daawasho...

Guddiga Gurmadka Qaranka oo kulan ka yeeshay abaaraha dalka ka jirta

Guddiga Gurmadka Qaranka oo kulan ka yeeshay abaaraha dalka ka jirta

February 2, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda Gurmadka Qaranka, ahna Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir,...

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Birmingham oo kulan soo dhaweyn ah u sameeyay Wafdiga Wasiir Al-Cadaala

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Birmingham oo kulan soo dhaweyn ah u sameeyay Wafdiga Wasiir Al-Cadaala

February 2, 2026
0

Magaalada Birmingham ee caasimadda labaad ee dalka UK ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay masuuliyiin uu hoggaaminayo Wasiir Ku-xigeenka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In