Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee JFS, Mudane Baashe Yuusuf Axmed ayaa ka qeybgalay Shirweynaha 7-aad ee Maxkamadaha Dastuuriga Afrika oo ka dhacaya magaalada Victoria Falls ee dalka Zimbabwe.
Shirweynaha Maxkamadaha Dastuuriga ee dalalka Afrika oo la qabto labadii sanno halmar ayaa sanadkan halku dhiggiisu ahaa “Kaalinta Garsoorka ee Ilaalinta Xuquuqda iyo Karaamada Aadanaha Afrika.”
Shirkan waxaa ka soo qeybgalay wufuud ka kala socota in ka badan 44 dal oo Afrikaan ah iyo sido kale korjoogayaal ka kala socda Dalalka Russia, Ciraaq, Turkiga, waxaa sido kale lagu marti qaaday marti kala socotay midowga Afrika iyo Maxkamadda Cadaaladda Midowga Yurub.
Shirweynahan ayaa socon doona muddo saddex maalin ah, iyadoo uu Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka, Mudane Baashe Yuusuf Axmed, ka jeedin doona khudbad muhiim ah oo ku saabsan kaalinta garsoorka ee ilaalinta xuquuqda iyo karaamada aadanaha Afrika.