Saturday, July 5, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

๐ˆ๐Œ๐… ๐จ๐จ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ญ๐š๐ฒ ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ค๐š ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
October 31, 2024
in Wararka
0
๐ˆ๐Œ๐… ๐จ๐จ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ญ๐š๐ฒ ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ค๐š ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Heyโ€™adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa soo saartay Warbixinteeda ku aadan hannaanka dib-u-eegista 4-aad wajigiisa 2-aad kadib shirar ay yeesheen IMF iyo Dowladda Soomaaliya oo ka kala dhacay Turkiga iyo Mareykanka.

IMF ayaa Warbixinta ay soo saartay ku amaantay dadaalka Dowladda Soomaaliya ee horumarinta ilaha dhaqaalaha iyo dib-u-habeynta hannaanka maamulka maaliyadda dalka, oo ay ugu muhiim san yihiin sare u qaadidda dakhliga gudaha iyo hagaajinta shuruucda maaliyadda.

Related posts

๐‘๐š’๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š “๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ง๐ค๐š ๐ฑ๐จ๐จ๐ ๐ ๐š ๐๐š๐ฅ๐ค๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐ ๐ฐ๐š๐ฑ๐š๐š ๐š๐ฒ ๐ฅ๐š๐Ÿ-๐๐ก๐š๐›๐š๐ซ ๐ฎ ๐ฒ๐ข๐ก๐ข๐ข๐ง ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐ง๐ข๐ฆ๐จ ๐ฑ๐จ๐จ๐ ๐ ๐š๐ง.”

July 3, 2025
Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

July 3, 2025

๐‡๐š๐๐š๐›๐š, ๐ฌ๐ข๐๐š๐ญ๐š๐ง ๐š๐ฒ๐ฎ๐ฎ ๐ฎ ๐ช๐จ๐ซ๐š๐ง ๐ฒ๐š๐ก๐š๐ฒ ๐–๐š๐ซ๐ฌ๐š๐ฑ๐š๐š๐Ÿ๐š๐๐ž๐ž๐๐ค๐š ๐ˆ๐Œ๐…,

Kooxda IMF ee ay hoggaaminaysay ๐Œ๐ฌ. ๐‹๐š๐ฎ๐ซ๐š ๐‰๐š๐ซ๐š๐ฆ๐ข๐ฅ๐ฅ๐จ ayaa wadaxaajood ay la yeelatay Masuuliyiinta Dowladda Soomaaliya ee uu hoggaaminayay Wasiirka Maaliyadda XFS ๐Œ๐ฎ๐๐š๐ง๐ž ๐๐ข๐ข๐ฑ๐ข ๐ˆ๐ฆ๐š๐š๐ง ๐‚๐ข๐ ๐ž, kulamadaas oo ka kala dhacay Magaalooyinka ๐–๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ง๐ ๐ญ๐จ๐ง ๐ƒ๐‚ iyo ๐ˆ๐ฌ๐ญ๐š๐ง๐›๐ฎ๐ฅ ayaa ku soo dhammaaday si guul ah, kulamadaas kadib, IMF ayaa soo saartay Warbixintaan hoos ku xusan oo aan dulmarkeeda idiin soo turjimnay,

๐–๐š๐ฑ๐š ๐š๐ฒ ๐ค๐ฎ ๐›๐ข๐ฅ๐š๐š๐›๐š๐ง๐š๐ฒ๐ฌ๐š๐š ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐ฎ,

Saadaasha kobaca dhaqaale soo-saarka gudaha ee Soomaaliya ayaa horumar sameeyay, inkastoo ay jiraan caqabado, hadana Sanadkan 2024-ka waxaa isbeddallo togan laga sameeyay wax soo saarka beeraha, dhoofinta, iyo nidaamyada xawaaladaha, iyada oo la filayo in uu sii socdo horumarkan ilaa 2025-ka. Natiijo ahaan, kobaca dhaqaale soo saarka gudah (GDP) ayaa gaaray 4 boqolkiiba 2024 ilaa 2025.

In kasta oo ay jiraan caqabado amni, Dowladda Soomaaliya waxa ay u dhabar adeegtay dagaalka ay kula jirto kooxda khawaarijta argagixisada, waxa ayna sii waddaa la shaqaynta saaxiibada caalamiga ah si loo xaqiijiyo in si guul leh looga guuro Hawlgalkii Midowga Afrika oo hadda lagu badalayo ciidamo cusub horaanta sanadka soo socda ee 2025-ka. Khataraha jira ee mustaqbalka dhow waxaa ka mid ah isbaddalka cimilada ee saameeyay dhaqaalaha dunida.

Dowladdu waxa ay ku howlantahay in ay diiradda saarto sare u qaadidda dakhliga gudaha, iyada oo ujeedadoodu tahay in dakhliga gudaha uu si buuxda ugu filnaado kharashaadka joogtada ah marka lagaaro 2027, iyada oo sidoo kale dakhliga guduhu uu daboolayo kharashkaadka waxbarashada iyo caafimaadka. Dakhliga gudaha ee Dowladda ayaa ahaa mid waafaqsan filashooyinkii lagu saadaqliyay jaangoyntii sii hore. Miisaaniyadda Dowladda ee 2025-ka ayaa odorosaysa marka loo eego dakhliga gudaha in dhaqaale soo saarka Gudaha (GDP) uu noqonayo 3.3 boqolkiiba. Dowladdu waxa ay garowsan tahay muhiimadda ay lee dahay in horumar joogto ah laga sameeyo hannaanka dib-u-habaynta maaliyadda, iyada oo la raacayo qorshaha hagidda dakhliga ee xiliga dhexe ee dhawaan la shaaciyay (Medium-term Revenue Roadmap), qorsheyaashaas waxaa ka mid ah casriyaynta nidaamka furdooyinka, sharciga cashuuraha dakhliga iyo dhaqangalinta xooggan ee cashuuraha iibka.

Hannaanka Maareynta Maaliyadda Guud (PFM) ayaa ahaa mid ay Dowladdu ku guulaysatay ku dhaqmidiisa, iyada oo la hormariyay nidaamka mushaar bixinta, Hufnaanta iyo Isla xisaabtanka.

Bankiga Dhexe ee Soomaaliya (CBS) wuxuu horumarin ku sameeyay maamulka hannaanka Maaliyadda ee hayโ€™adaha Dowladda. Waxa uu diiradda saaray xeel-dheerinimo maaliyadeed oo ay kamid yihiin kobcinta qaab dhismeedka sharciya, iyo kormeerka, hagaajinta tayada nidaamka xogta iyo kordhinta awoodaha farsamo. Bangiga ayaa dadaal galiyay sii wadidda xoojinta nidaamka ka hortagga lacagta dhaqista iyo la dagaalanka maalgalinta argagixisada si loogu hoggaansamo xeerarka caalamiga ah.

Dowladda Soomaaliya waxa ay damacsan tahay dib-u-soo celinta lacagta Shilinka Soomaaliga ah (SOS) iyada oo la hirgalinayo guddiga dib-u-qaabaynta lacagta. Lacagahaan ayaa u sahli doona gacasiyada yar yar ee Soomaalida in ay wax kala iibiyaan gaar ahaan waxa uu aad u taageeri doonaa wax kala iibsiga qiimihiisu hooseeyo, si loo xaqiijiyo in Shilinka Soomaaliya dib loogu daaboco si taxadar leh, siyaasaddiisuna ay daggan tahay ayaa Dowladdu waxa ay qorsheynayaaa in ay dhisto guddi kor-joogteeya dib-u-daabicidda lacagta iyada oo taageero ka helaysa IMF qeybta horumarinta xirfadaha. Dhaqan galinta arrimaha lacag daabacaada waxa ay qaadan doontaa muddo u dhaxaysa 18 ilaa 24 Bilood, kadib marka la dhiso, lana dhameystiro arrimaha muhiim ka u ah lacag daabicidda ayaa Dowladdu waxa ay heli doontaan taageero maaliyadeed oo caalami ah.

Sidoo kale Dowladda waxaa ka go’an in ay horumariso tillaabooyin ka lagu xoojinayo horumarka ka hortagga faqriga iyo kor u qaadidda qorsheyaasha looga hortagayo Isbaddalka Cimilada iyo sare u qaadidda dhaqaalaha ganacsiga. Dowladdu waxaa kale oo ay ku dadaalaysaa Waxbarashada, iyada oo xaqiijinaysa in caruurta Soomaaliyeed Iskuulada si toos ah u aadaan iyada oo la xaqiijinayo in gabdhuhu ay soo xaadiraan waxbarashada.

Waxaa sidoo kale Dowladda mudnaan gaar ah u leh ka hortagidda saameynta dhaqaale ee isbaddalka cimilada iyo xoojinta amniga cunnooyinka. Ka mid noqoshada Ururka Bulshada Bariga Afrika oo abuuraya fursado muhiim ah ayaa sidoo kale loo baahan yahay in loo maareeyo sida ugu haboon hadii ay dhashaan caqabado lama filaan ah.

๐”๐ ๐ฎ ๐๐š๐ฆ๐›๐ž๐ฒ๐ง, Xafiiska Howlgalka IMF ee Soomaaliya waxa uu u mahadcelinayaa Masuuliyiinta Dowladda Soomaaliya ee ay la galeen wadahadalada miro-dhalka ah ee ay ka mid yihiin Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Badroolka, Gudoomiyaha Bangiga Dhexe iyo Masuuliyiin kale oo ka socday Dowaldda Soomaaliya.

Previous Post

Xerada cusub ee ciidanka la dagaallanka argagixisada oo la dhagax dhigay

Next Post

Madaxweynaha JFS oo soo xiray kulan Cilmiyeedka xarunta Cilmi-baarista

Next Post
Madaxweynaha JFS oo soo xiray kulan Cilmiyeedka xarunta Cilmi-baarista

Madaxweynaha JFS oo soo xiray kulan Cilmiyeedka xarunta Cilmi-baarista

๐‘๐š’๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š “๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ง๐ค๐š ๐ฑ๐จ๐จ๐ ๐ ๐š ๐๐š๐ฅ๐ค๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐ ๐ฐ๐š๐ฑ๐š๐š ๐š๐ฒ ๐ฅ๐š๐Ÿ-๐๐ก๐š๐›๐š๐ซ ๐ฎ ๐ฒ๐ข๐ก๐ข๐ข๐ง ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐ง๐ข๐ฆ๐จ ๐ฑ๐จ๐จ๐ ๐ ๐š๐ง.”

๐‘๐š’๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š “๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ง๐ค๐š ๐ฑ๐จ๐จ๐ ๐ ๐š ๐๐š๐ฅ๐ค๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐ ๐ฐ๐š๐ฑ๐š๐š ๐š๐ฒ ๐ฅ๐š๐Ÿ-๐๐ก๐š๐›๐š๐ซ ๐ฎ ๐ฒ๐ข๐ก๐ข๐ข๐ง ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐ง๐ข๐ฆ๐จ ๐ฑ๐จ๐จ๐ ๐ ๐š๐ง.”

July 3, 2025
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa tababar u soo xiray saraakiil, saraakiil-xigeenno iyo cutubyo ka...

Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

July 3, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxda ugu sarreysa heyโ€™adda...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo noqday qofkii uga horreeyay ee ka qaata kaarka Codeynta KGS

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo noqday qofkii uga horreeyay ee ka qaata kaarka Codeynta KGS

July 3, 2025
0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa ka qeyb-galay munaasabadda daah-furka ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee deegaanada...

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya

July 3, 2025
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan sagootin ah xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In