Saturday, July 5, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka Galkacyo oo shahaadooyin guddoonsiiyay Haween la baray xirfado ay ku shaqeeystaan

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
November 3, 2024
in Wararka
0
Maamulka Galkacyo oo shahaadooyin guddoonsiiyay Haween la baray xirfado ay ku shaqeeystaan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tababarkaan oo ahaa mid lagu barayay 110 haween ah oo ka mid ah qoysaska barakacayaashaa ee ku nool qaar ka mid ah xeryaha barakacayaasha ee deegaanka Xaarxaar xirfado ay ku shaqeystaan kuwaas oo kala ah karinta Dharka iyo Cilaansaarka ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Gaalkacyo.

Tababarkan oo ay taabagalintiisa gacan ka geysteen Hay’adda SSWC iyo Maamulka Dagmada Galkacyo ee Galmudug ayaa waxaa ugu horeyn munaasabadda shahaadooyinka lagu guddoonsiinayay ka hadlay Fowsiyo Axmed Kaarshe oo aheyd macalimadii Tababarka bixineeysay, waxa ayna sheegtay in muddo sadax bilood ah lagu baray Xirfado ay ku shaqeeysan karaan islamarkaana ay ku maareeyn karaan Nolasha qoysaskooda.

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo weerar lagu dhabar jebiyay Khawaarijta ka sameeyay gobol Bakool

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo hawlgal ka wada deegaannada gobolka Hiiraan

July 5, 2025
Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

July 5, 2025

Marwo Fowsiya ayaa xustay in Hay’adda SSWC Iyo Maamulka dagmada Gaalkacyo ee Galmudug ay suurta galiyeen in xirfadaha Cilaansaarka iyo Naqshadeeynta Dharka La baro haweenka.

Axmed Cismaan Daahir (Haruuse) Madaxa Qeybta Barakacayaasha Maamulka Dagmada Gaalkacyo oo isna la dardaarmay Xubnaha Tababarka la siiyay ayaa aheegay in xirfadaha ay barteen ay kaga maarmi doonaan shaqooyin badan oo ay horay ugu maareeyn jireen nolashooda iyo ku tashiga deeqaha Samafalka iyo gargaarka oo aan dabooli karin baahidooda

Qaar ka mid ah xubnihii Tababarka Ka faa”iideystay oo Warbaahinta Qaranku ay wax ka weydiisay Sida ay u arkaan Xirfadaha ay barteen ayaa iyagu sheegay in ay maanta ku faraxsan yihiin in ay bartaan Xirfado ay ku shaqeeysan karaan ayna uga maarmi karaan gacmo hoorsi waxa ayna uga .mahad celiyeen Dowladda Hoose ee dagmada Galkacyo iyo Hay’adda SSWC garab istaaga ay ka heleen








Previous Post

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Agaasime Marwo Dr Hanan Balkhy

Next Post

Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Berlin

Next Post
Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Berlin

Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Berlin

Ciidanka Xoogga Dalka oo weerar lagu dhabar jebiyay Khawaarijta ka sameeyay gobol Bakool

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo hawlgal ka wada deegaannada gobolka Hiiraan

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO(HIIRAAN): Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo geesiyaasha dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan oo iskaashanaya ayaa saakay Khawaarijta ku weeraray deegaanka...

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO (BAYDHABO):Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Dhagax-Dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed oo...

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo hawlgal qorsheysan ku dhabar-jebiyay Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo hawlgal qorsheysan ku dhabar-jebiyay Khawaarijta

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO(SHABEELLAHA DHEXE): Ciidanka Xoogga Dalka iyo geesiyaasha deegaanka Raaga Ceelle ee Macawiisleyda ayaa maanta howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka...

Ciidanka xoogga dalka oo hawlgal ka dhan ah khawaarij ka fuliyey deegaano ka tirsan Bakool

Ciidanka xoogga dalka oo hawlgal ka dhan ah khawaarij ka fuliyey deegaano ka tirsan Bakool

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO(BAKOOL): Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan geesiyaasha ka tirsan Ururada 93-aad iyo 96-aad ee Guutada 9-aad, Qeybta 60-aad,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In