Thursday, July 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ku-simaha Madaxweynaha oo qaabilay Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Ku-simaha Madaxweynaha oo qaabilay Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Safiirka Dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Mike Nithavrianakis oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada wadan.

Danjiraha Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya Mike Nithavrianakis ayaa sheegay in Dowladda Ingiriiska ay ku faraxsantahay xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya Ingiriiska iyo Soomaaliya, wuxuuna Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ugu hambalyeeyay ansixinta shuruucda muhiimka u ah dowladnimada Soomaaliya iyo sidoo kale ansixinta miisaaniyadda Qaranka ee 2025, oo uu shalay ansixiyay Baarlamaanka labadiisa aqal.

Related posts

Ku-simaha Taliyaha Ciidanka XDS oo la kulmay Taliyaha Ciidamada Maraykanka ee Afrika

Ku-simaha Taliyaha Ciidanka XDS oo la kulmay Taliyaha Ciidamada Maraykanka ee Afrika

July 29, 2026
Tababarka wajigii labaad ee Kobcinta Awoodda Maaliyadda Cimilada oo la soo gabagabeeyay

Tababarka wajigii labaad ee Kobcinta Awoodda Maaliyadda Cimilada oo la soo gabagabeeyay

July 29, 2026

Dhinaca kale Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya ayaa sheegay in dowladiisa ay soo dhoweyneyso dimaqraadiyadda iyo qorshaha Dowladda Soomaaliya ay waddo ee ah in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah.

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Safiirka ku bogaadiyay taageeradda dhinacyada kala duwan leh oo ay dowladda Ingiriiska la garab taagantahay Dowladda Soomaaliya.

Dhinaca kale Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay horumaro la taaban karo ka sameysay dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo sidoo kale dagaalka dalka looga ciribtirayo kooxaha Khawaariijta.

Previous Post

Hay’adda SoDMA oo shixnado gargaar ah u dirtay Baydhabo

Next Post

Dowladda Soomaaliya oo Gaadiid iyo agab ciidan kala wareegtay Midowga Yurub

Next Post
Dowladda Soomaaliya oo Gaadiid iyo agab ciidan kala wareegtay Midowga Yurub

Dowladda Soomaaliya oo Gaadiid iyo agab ciidan kala wareegtay Midowga Yurub

Ku-simaha Taliyaha Ciidanka XDS oo la kulmay Taliyaha Ciidamada Maraykanka ee Afrika

Ku-simaha Taliyaha Ciidanka XDS oo la kulmay Taliyaha Ciidamada Maraykanka ee Afrika

July 29, 2026
0

Ku-simaha Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ahna Taliyaha Ciidanka Dhulka, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa maanta magaalada Muqdisho kula...

Tababarka wajigii labaad ee Kobcinta Awoodda Maaliyadda Cimilada oo la soo gabagabeeyay

Tababarka wajigii labaad ee Kobcinta Awoodda Maaliyadda Cimilada oo la soo gabagabeeyay

July 29, 2026
0

Sanduuqa Qaranka ee Cimilada ee Wasaaradda Maaliyadda, oo kaashanaya Ururka Bangiyada Soomaaliyeed ayaa soo gabagabeeyay maanta tababbarka wajigii labaad ee...

Danjire Hodan oo waraaqaha aqoonsiga Danjirenimo u gudbisay Boqorka Japan ‎

Danjire Hodan oo waraaqaha aqoonsiga Danjirenimo u gudbisay Boqorka Japan ‎

July 29, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, ahna Danjiraha aan degganayn ee Japan, Dr. Hodan Cusmaan Cabdi, ayaa...

Wasiir Fiqi” Waxaa jira mas’uuliyiin magac dilka dalka, Dowlado shisheeye lacago uga soo qaatay”,

Dowladda oo faahfaahin ka bixisay duqeymo lagu dilay Horjoogayaal ka tirsan Khawaariijta

July 29, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Gaalkacyo, ayaa shaaciyay in howlgal duqeyn ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In